U bood dhigaalka

Faransiiska Iyo Carabta Oo Ka Tashanaya Dib U Soocelinta Geedi-socdka Nabadda Ee Falastiin Iyo Israel

Sheeko:Dalka

Lix wasiir arrimo dibadeed oo ka socda dowladaha Carabta iyo xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Crabta ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan berri oo Isniinta ah dhiggooda Faransiiska.

Wasiiradaan ayaa wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska waxaa ay kula kulmayaan caasimadda dalka  Belgium-ka ee Brussels, halkaasi oo looga hadli doono sidii loo soo nooleyn lahaa geedi socodka nabadda ee ka dhaxeeya Falastiin iyo Israel. Arintani ayaa waxaa xaqiijiyey afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska.

Afhayeenka ayaa waxa uu intaasi ku daray in wasiirada arrimaha dibadda dowladaha Masar, Urdun, Imaaraadka, Sacuudiga, Maroco iyo Falastiin ay ka qeyb gali doonaan kulankani looga hadlayo geedi socodka nabadda ee Falastiin iyo Israel.

Dowladda Faransiiska ayaa waxa ay dooneysaa in ay dib u soo celiso geedi socodka nabadda ee u dhaxeeya Falastiin iyo Israel, waxa ayna Paris ay marti galisay sanadkii 2016-kii kulan caalami ah oo looga hadlayay arrintani, waxaana ka soo qeyb-galay 24 dowladood.

Goobjoog News