Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa gaaray magaalada Adis-ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaasi oo uu ku joogi doono booqasho qaadaneyso labo maalmood.
Wasiirka ayaa sheegay in sababta uu u tagay Itoobiya ay tahay sidii Paris ay uga taageeri laheyd Itoobiya in la xaliyo Khilaafka kala dhaxeeya Eritrea iyo Itoobiya.
Jean-Yves Le Drian ayaa sidoo kale Tilmaamay in madaxda Itoobiya ay ka wadahadli doonaan sidoo loo xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya Fransiiska iyo Itoobiya.
Asmara iyo Adis-ababa tan iyo markii Eritrea ay ka qaadatay xornimada Itoobiya 19993 ka dib dagaal u dhaxeeyay labada dal kaasi oo socday 30 sano, dowlad walba waxay midda kale ku eedeyneysaa in ay taageerto kooxaha Fallaagada ah.
Goobjoog News