U bood dhigaalka

Faransiiska oo Ka Digtay in Suuriya iyo Ciraaq la Kala Qeybiyo.

Sheeko:Dalka

Laurent Fabius Wasiirka arimaha dibadda dalka Faransiiska ayaa ka digay in la kala qeybiyo dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Wasiirka arimaha dibadda oo ka jawaabayey su’aalo ay Baarlamaanka dalkaasi ka weydiiyeen arinta Ciraaq ayaa sheegay in Ciraaq iyo Suuriyaba ay haboon tahay in la mideeyo daddaalada la wado, lagana hortago kala go’a midkooda ama labada dal.

Dhinaca kale, Qabsashada Daacish ee magaalada Istaraatiijiga ah Ramaadi ayuu ku eedeeyay Xukuumadda Ciraaq, isagoo ku sifeeyay mid tabar daran.

Laurent waxaa uu qabaa in hab Militari aan labadaasi dal wax lagu xalin Karin ee loo baahan yahay in Wada hadal iyo xal Diplimaasiyadeed wax lagu raadiyo, arintan oo ka duwan aragtida Mareykanka iyo xulafadiisa.