U bood dhigaalka

Farduus Ducaale Oo Ka Tirsan Guddiga Doorashada Ayaa Ka Hadashay Doorashada Aqalka Hoose Ee Somaliland

Sheeko:Dalka

Dr. Farduus Maxamed Ducaale oo xubin ka ah guddiga doorashada dadban ee heer federal ayaa wareysi gaar ah oo ay siisay Goobjoog News uga hadashay halka ay mareyso doorashada aqalka hoose ee Somaliland oo haatan ka socota magaalada Muqdisho.

Fardus Ducaale waxaa ay sheegtay in doorashada 3 maalin ay socotay iyaddoo ammaantay Howl-wadeennada shaqada wada iyo sida ciidamada ammaanka u suggaan amniga goobta doorashada.

“Hadda tirada la doortay waa 19 Xildhibaan, 6 ay dumar yihiin, maalintii 1aad waxaa la doortay 6, maalintii 2aad 9aad, maantana 4 Xildhibaan, kootadii haweenka meesha kama maqna oo innaga haddi aany nahay guddi sare ee FEIT waxaa eegenaa kootada haweenka, Somaliland waxaa lagu lahaa 13 dumar ah, laakin waxaan rajeyneynaa in Somaliland intaa ka badato oo 14-15 Dumar ah keento, saaka waxaa tartanka ku soo baxday gabar aan Kootada ku jirin, sidaa waxaan ku mareynaa 5 Koota ah iyo gabar kale oo caadi u soo baxday”.

Mar Goobjoog News ay Farduus wax ka weydiisay murashaxiinta isu tanaasulaya xilli ay jiraan siyaasiyiin tartanka loo diiday waxaa ay sheegeysaa in ay jiraan kuraas tartan adag la galay oo doorashadooda ay dhacday, laakin waxaa ay qirtay ay jiraan kuraas ay beelaha badankood iskudeysteen oo hadana goobta ku kala haray.

Doorashada Aqalka hoose ee Somaliland ayaa ka socota Muqdisho, 46 Xildhibaan oo matalaya beelaha Somaliland ayaa lagu dooran doonaa magaalada Muqdisho, guddiga doorashada waxaa uu sheegay in todobaad gudahii ay kusoo afjari doonaan 27 Xildhibaan ee haray.

Dhageyso Wareysiga Farduus Maxamed Ducaale, waxaa wareystay Maxamed Salaad

Goobjoog News