U bood dhigaalka

Farmaajo iyo Golaha Daacadda u ah oo Laalay Muddo Kordhinta, Rooble oo Lagu Wareejiyey Qorshaha iyo Amniga Doorashada

Sheeko:Amniga

Golaha shacabka ayaa isku raacay in dib loogu noqdo September 17 ee ay isku raaceen dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ah, taasi oo ka dhigan iney laaleen sharcigii jiheynta ee 12-kii April ay Farmaajo ugu dareen 2 sano.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta hortagay golaha shacabka ayaa ka laabtay muddo kordhintii loo sameeyey 12-kii bishii tagtay isaga oo dalka ku celiyey heshiiskii Septeber 17, 2021 ay isku afgarteen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Farmaajo oo arrintaas ka hadlayey ayaa xildhibaannada golaha ku yiri yiri”Waxaan dhammaantiin idiinka codsanayaa idinka xeerinaya duruufaha siyaasadeed ee dalka ku gedaaman iyo marxaladaha cakiran ee aan ku jirno, in aad ila qaadataan in lagu noqdo heshiiskii wada ogolka ahaa ee aad ansixiseen 26-kii September 2020-kii”

Madaxweynaha talada ka dhammaatay, oo sii hadlayey ayaa waxaa uu yiri”Golaha sharafta leh, waxaan rabaa inaan cadeeyo, in ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta iyo hirgelinta amniga doorashada iyo doorashada, sidoo kale fulinta qorshaha amniga sida waaqafsan dastuurka dalka waxaa iska leh ra’iisul wasaaraha, waxaan farayaa xukuumadda iney u diyaar garowdo xukuumadda hawshaas baaxadda weyn”

Hadalka Farmaajo iyo codeynta golaha shacabka kadib, waxaa uu dalka aaday doorasho dadban, waxaana lagu wadaa in dhamestirka heshiiskaas ay ka wada hadlaan dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Goobjoog News