U bood dhigaalka

Farmaajo iyo Maamulkiisa oo Dayacay Marxuum Cabdikariim Qaareey Jiir!

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta isbitaalka Digfeer ee caasimadda Muqdisho ku geeriyooday  mulaxamiistaha weyn ee  Soomaaliyeed Cabdikariim Faraax Qaarey(Jiir),  kaas oo muddooyinkii dambe xanuunsanaa.

Jiir, oo ahaa abwaan caan ka ah geyiga Soomaalida, kana tirsanaa tiirarka hobollada Waaberi ayaa la sheegayaa inuu sababsaday dacayaad uga timid maamulka Farmaajo, oo uga baxay balanqaad ahaa in xanuunkiisa dibadda lagula tacaali doono.

Bashiir Maxamuud, oo tirsan Goobjoog News, abwaanka iyo qosykiisana isku dhowaayeen oo ka waramay markii ugu dambeysay ee uu fanaanka ku booqday hoygiisa January 11, 2022-kii ayaa waxaa uu weriyey in Jiir uu rajo badan ka qabay in dalka dibaddiisa lagu soo dhabiibo, isaga oo si shakhsi ah ugu duceynayey madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo uu abwaan Cabdikariim xiligaasi lahaa “ Duco qabe madaxweyne Farmaajo ayaa dibadda ii qaadaya”!

Ilo ku dhow qoyska abwaan Cabdikariim Faarax ayaa sheegay in abwaanka markii miyir ugu dambeysay uu wacayey Villa Somalia, laakin uu wacyi beelay markii uu rajo la’aan kala kulmay filashadiisa aheyd in dibadda loo qaado.

Abwaan Jiir oo 79 jir ahaa, waxaa uu qabay Sonkor iyo Dhiig-kar, waxaana la rumeysan yahay in hadda markii uu dhimanayey uu dhiig madaxa uga furmay, ilaa iyo hadda dhakhaatiirta dhabiibeysay kama soo saarin war rasmi ah sababta uu u geeriyooday.

Mulaxamiiste Cabdikariim Faarax Qaareey waxaa uu maalgeshtay qaranka, isaga oo 59-kii sano ee ugu dambeysay ahaa fanaan iyo mulaxamiiste wax badan usoo qabtay qaranka iyo fanka Soomaaliyeed, tiiyo dacayaadiisa ka dhigeysa in laga abaal-dhaco, niyad-jabna ku noqoneysa fanaaniinta kale.

Taariikh ahaan, Qaareey waxaa uu laxan saaray heeso caan ah sida: Baladweyn ee uu qaaday Xasan Aaadan, Jaceyl dhiig malagu qoray ee ay qaado Xaliimo Khaliif Magool, Sidii Geel Horweynoo ee ay qaadaan Xaliimo iyo Tubeec, Sabab kale ha moodin iyo Rako ee ay qaaday Hibo Nuura iyo qaar kale.

Goobjoog News