U bood dhigaalka

Farmaajo iyo Mas’uuliyiin Waqooyi ah oo Ka Xayiray Somaliland Qoondo uu Fasaxay Xasan Sheekh!

Sheeko:War

Guddiga gurmadka ee suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, Somaliland ayaa arbacadii la gaarsiiyey ilaa 12,700.000, lacagtaas oo xukuumada ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble ugu yaboohday gurmadka dabkii khasaaraha badani ka dhashay eek a kacay Suuqaasi.

Lacagtan ayaa ka kooban sadex qaybood oo kala ah:- (1). Hal million oo doolaer oo ay xukuumada Rooble ka bixinayso qasnada Dawlada (2). Labo milyan oo doolar oo ganacsatada Gobolka Banaadir isku qortay iyo (3)  $11.7 million oo ka mid ahaa  qoondada Somaliland ku lahayd lacag $45 milyan oo Wold Bank ugu deeqay  August,  2020 Somaliland iyo  Dawladda faderaalka  ah iyo shanta Maamul Goboleed, taasi oo inta maamulladaasi kale la siiyey September ila sanadkaasi, lagana xayiray Somaliland.

Haddaba, Maxaa Keenay in Lacagta Markii hore la xayiro:

Hey’adda UNDP ayaa February 2005, waxaa ay dejisay qorshe ay  Soomaaliya saddex (3) aag loogu qaybinaayo  mashaariicda si loo gaarsiiyo deegaan walba ayada oo loo eegayo degaan kasta daruufihiisa gaarka ah, Saddexda aag ayaa laga xiligaasi  ahaa Somaliland, Puntland iyo South Central Somalia.

Markii Soomaaliya ay ka baxday KMG ah, dalkana uu la wareegay madaxweyne Xasan Sheekh, gaar ahaan kadib shirki Bruessel iyo ‘‘Somali New Deal’’  waxaa uu xaliyey tabasho badan oo arrimahan la xiriira oo ay qabeen Somaliland isaga oo ogolaaday in qoodadooda ay toos ugu dhacdo ama heshiiska gaarka ah ee loo yaqaan  (Somaliland Special Arrangement) oo dhigaayay in deeq-bixiyayaashu Somaliland, kula macaamisho ilaa inta   wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya  laga miradhalinayo, sidaasna  waxaa September 2013 saxiixa lagu duugay Heshiis cimirigiisu dhanyahay saddex (3) sano markay dhamaatana dib loogu cusboonaysiiyo.

Ugu dambeyn waxaa talada Dalka la wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, mudo yar kadib June 9, 2018 Farmaajo iyo regime-kiisa sida  xukuumaddii ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre gaar ahaan Mahdi Guuleed ra’isul wasaare ku xigeenka , Jamaal Maxamed Xasan wasiirka qorsheynta iyo Ducaale Bayle oo ah wasiirka maaliyadda ayaa is hor istaag ku sameeyey heshiiskii ay Somaliland deeqaha ugu heli jirtay si toos ah ilaa September 2013-kii, iyada oo Jamaal oo ah wasiirka wasaarada Qorshaynta Faderalka ee Soomaaliya uu qoraal dib u cusbooneysiin ah u diray  Beesha caalamka, UN, iyo dhammaan hayadaha Deeq-bixiyeyaasha.

Hey’adaha Qaramada Midoobay oo  arrinta Jamaal Xasan ku kacay la yaaban ayaa afar (4) beri kaddib jawaabta warqada u soo diray Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyagoo dhambaalkaasi ogaysiin ku siinaayeen Farmaajo iyo R/W kuxigeenka Mahdi Guuleed , si haddii go’aanka keligi qaatay Jamaal, wax uga uga qabtaab, laakin sida muuqata R/W-kuxigeenku iyo Farmaajo midna kamay falcelin  dhambaalkii deeq bixiyaasha, taasoo u cadaysay inay ka midaysanyihiin, sidaas baanu  ku dhaqan galay qoraalkii  wasiirka Wasaarada qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan.

Raysal Wasaare Kuxigeenka iyo Wasiirka Wasaarada Maaliyada ayaa iyaguna qayb ka ahaa isla markaasna   goobjoogeyaal ka ka ahaa sida ka muuqata sawirada shirarkii  lagu go’aaminaayay in Somaliland laga joojiyo Deeqihii sida tooska ah loo siin jiray, isla raggaas qoondada joojiyey oo ay ka mid ahaayeen Mahdi Guuleed iyo Beyle ayaa hadda markii uu ra’iusl wasaare Rooble fasaxa isku dayey in carqalad kale keenaan sida ama in loo ogolaado iney Hargeisa u safraan oo lacagta ama ay Somaliland codsi soo qorato, taasi oo sida muuqa oo ka diiday Rooble, isaga toos u diray qoondadii iyo wixii uu ku dari karay.

Somaliland hadda waxaa ay wax ku qaadataa heshiiska ay wada gaadheen Soomaaliya iyo Wakiilka UN-ka James Swan 15 October, 2020 oo ku saabsanaa nidaamka wada shaqeynta ee UNka iyo Soomaaliya, hashiiskaas oo xadeynayay dhamaan  taageerada UNka iyo Beesha Caalamka siinayso Soomaaliya lagu sameeyo qorshaha Qaranka (NDP-9) kaasoo aanay Somaliland qayb ka ahayn maadaama la ogyahay marxalada Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya goobjoog ka ahaa oo u saxeexay Ra’iisul Wasaare kuxigeenku Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Qorsheynta, Maalgelinta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan, dhanka Qaramada Midoobay waxaa goobjoog ahaa oo u saxeexay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. James Swan iyo Isku duwaha Arimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay Mr. Adam Abdelmoula oo sidoo kale haya xilka kuxigeenka wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Goobjoog News