U bood dhigaalka

Farmaajo iyo Puntland oo Isku Qabtay Shir Labaduba Marti Ku Yihiin

Sheeko:Amniga

Beesha caalamka ayaa madaxda Soomaalida waxay sabtida ku balamisay shir ka dhici doona Afisyooni, waa markii ugu horeysay ay fool-ka-fool isku arki doonaan Farmaajo, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

 

Haddaba shirkaasi waxaa waxaa siyaabo  kala duwan ugu hadlay Dowladda Soomaaliya  iyo Maamul Gobaleedka Puntland.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo Madaxda dowlad gobaleedyada Ugu baaqay Shir in ay isugu yimaadaan Magaalada Muqdisho.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir in ay shir (ice break) isugu yimaaddaan maalinta Sabtida oo bishu tahay 3da April 2021 Xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee Afisyooni si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17kii September 2020 iyo 16 Febraayo 2021.” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga.
“Maamulka Puntland ayaa dhankiisa sheegay in shirkan ay qaban qaabadiisa leedahay Beesha Caalamka uuna furmi doono 3 bisha April .
Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana lays la gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada.
Shirkan oo ay qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay si Madaxda Soomaaliyeed ay is afgarad uga gaaraan ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wadatashiga.” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay Barta Facebook-ga ee Madaxtooyada Puntland .