U bood dhigaalka

Farmaajo iyo Reer Galbeed oo Kala Jeestay, Cunaqabateynta Yey Saameyn Doontaa?!!

Sheeko:Amniga

Mareykanka iyo Yurub ayaa si adag ugu hor yimid qaabka uu Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxweynihii hore si iskiis isugu daray labo sano oo muddo kordhin ah.

Qoraallo kala gaar ah oo talaadadii ay soo saareen wasiirro ka tirsan Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in ka niyad jabeen go’aanka halka dhinac ah ee Farmaajo iyaga oo balanqaaday iney tallaabo ka qaadaan kuwa ka dambeeya in laga baxo heshiiskii dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee September 2020.

Mareykanka oo Lahjad adkaa waxaa uu sheegay in dib u eegi doonno xiriirka diblomaasi, soo rogi doono cunaqabateyn iyo xayiraad dhanka socdaalka ah, waxaa aad ugu dhowwaa tillaabadaas midowga Yurub halka UK ay sheegtay in ku gowracan tahay go’aanka beesha caalamka.

Antony Blinken oo ah xogheyaha arrimaha dibadda Mareykanka oo arrinkan ka hadlayaa sheegay in dib u qiimeyn doonaan xiriirka kala dhaxeeyo Soomaaliya oo ay ku jirto xiriirka diblomaasiyadeed, cunaqabateyn iyo xayiraado fiiso iyada oo go’aanka Farmaajo looga jawaabayo.

Wasiirkii hore ee dowladda Ingiriiska u qaabilsanaa Africa James Duddrige ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka UK ayaa sheegay in ay Mudanayaasha Baarlamaanka aad uga xun yihiin Mudda kordhinta loo sameeyay Farmaajo.

Wakiilka sare ee midowga Yurub Josep Borrell Waxaa oo arrintan ka hadalay ayaa sheegay in go’aanka Farmaajo uu qalqalgelinayo xasiloonida dalka geeska Afrika ku yaalo isla markaana uu horseedayo kala qeybsanaaan.

Midowga Yurub ayaa ku goodiyey inuu cunaqbateyn saarayo Soomaaliya haddii lagu socdo go’aanka hal dhinac ah ee golaha shacabka uu ku kordhiyey muddo xileedka Farmaajo.

Meelaha ugu muhiimsan ee bartilmaameedka u ah beesha caalamka, haddii cunaqabateyn lasoo rogo waxaa ka mid ah marka laga soo tago Farmaajo iyo guddoonka golaha shacabka in la xaddido taageerada militariga iyo booliska, kabka miisaaniyada, fiisooyinka,  iyo xayiraada saraakiisha sarsare ee dowlada iyo xildhibaanada oo badankood wata baasaboorada UK, US ama EU.

Dhanka kale, xilli reer galbeedka ay dhabarka aadiyeen Farmaajo Ayaan weli laga war heyn dunida muslimka, carabta, Turkiga iyo dalalka bariga kuwaas oo aan la ogeyn halka ay jiraan.

W/Q: Cabdicasis Gurbiye,