U bood dhigaalka

Farmaajo iyo Wufuud Kale oo Gaartay Teendhada Afisyooni, Khilaaf Ajende!

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya teendhada Afisyooni ayaa sheegaya in goordhow ay halkaasi gaareen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta  Maxamed Rooble iyo madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed Cabdicasis Lafta-gareen.

Waxaa kale oo goobta ku sugan teendhada Madaxweyneyaasha Galmudud Axmed Qoorqoor iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Shirkan ayaa la filayaa in lagu dhameystiro heshiiskii September 17 iyo is afgaradkii guddiyada farsamo ay ku gaareen Baydhabo 15-16-kii bishii hore.

Waxaa jira ajendeyaal is khilaaf oo kasoo baxaya shirka iyada oo aan la ogeyn kasoo qeyb galka Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha Jubblanad iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo dooddda ugu weyn ka qabay arrimaha ajendaha shirka.

Farmaajo iyo kooxdiisa waxaa ay doonayaan in ajendaha lagu koobo wixii kasoo baxay guddiga farsamo ee Baydhabo iyo qodobadii 3-da ahaa ee lagu kala kacay Dhuusamareeb 4 ee kala ahaa: Guddiyada doorashada, Gedo iyo Somaliland.

Maamu goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo taageero ka heysta madasha badbaadada qaran ayaa qaba in ajendaha lagu daro amniga doorashada iyo cidda sugeysa, in wax laga badalo booliiska, in shaqada laga joojiyo taliyeyaal ku lug lahaa weerarka mucaaradka ee 19 Febraayo, in Farmaajo uu saxiixo warqad uu ku laalayo awoodihiisa, in xukuumadda ay sii wado arrimaha doorashada, in la dhiso guddi qaran oo muddada kala guurka maamula dalka oo xukuumadda iyo guddoonka ay baarlamaanka ay DF u matali doonaan iyo arrimo kale.

Wixii soo kordha kala soco halka.

Goobjoog News