U bood dhigaalka

Farmaajo iyo Xukuumaddii Kheyre oo Laga sugayo Xisaabxirka In Ka Badan $1 billion

Sheeko:Amniga

In kasta oo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaarihiisii Xasan Kheyre iyo wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ay shacabka Soomaaliyeed u sheegayeen isla xisaabtan, ladagaalanka musuqa iyo hufnaan hadana waxaa laga la’yahay soo gudbinta xisaabxirka in ka badan $1 billion oo ah miisaaniyaddii saddexdii sano ee la soo dhaafay  iyaga oo aan dib ugu soo celin baarlamaanka federaalka ah  ku tagalka qarash-gareyntii miisaaniyadda.

Iyada oo gebagabo la joogo, lana galay marxalad kala-guur iyo olole doorasho, oo ay sii dhammaanayaan muddada xilheynta hey’adaha dastuuriga ee uu ku jiro xafiiska madaxweynaha iyo fulintaba hadana baarlamaanka federaalka ah waxaa uun xisaabxir ay ku sameeyey oo keliya hal sano tan iyo sidii Farmaajo loo doortay 2017, dadka Soomaaliyeedna ma ogaan-doonaan halka ay xukuumadiisa ku qarash gareysay in ka badan $1 billion oo ay ansixiyeen baarlamaanka federaalka ah saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Goobjoog News waxaa ay ogaatay in guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta golaha shacabka ay qabteen keliya xisaab-xirka miisaaniyadda 2017, taasi oo xataa meelmarinteeda aan loo marin sifo sharci ah, oo laga daahiyey waqtigii loogu talagalay halka aan weli laheyn xisaab-xirka miisaaniyadaha 2018, 2019 iyo 2020.

Sida uu qabo qodobka 70-aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka faqradiisa 1-aad xisaabxirka sanadkii tagay waa in la ansixiyaa ugu dambeyn 31 March ee sanadka xiga, sidoo kale sharciga maamulka maaliyadda qaranka waxaa ku xusan in warbixinta xisaabxir sanadeedka miisaaniyadda federaalka ah ee sanadkii lasoo dhaafay in la horgeeyo golaha shacabka si uu uga dooda, una ansixiyo ugu dambeyn 30-ka June ee sanadka xiga.

Sidaasi ay tahay halka sano ee xukuumadda Kheyre ay xisaabxir keentay oo ahaa 2017 waxaa loo gudbiyey golaha October 2018-kii, isku tuurtuur iyo buuq kadib waxaa la ansixiyey November 2, 2019, taasi oo muujineysa dib u dhac saddex sano ah, kadibna lama arag xisaabxir kale.

Anisixintaas kadib, waxaa dhacday in guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta golaha shacabka ee BF la kala diray maalmo kadib markii uu sheegay lacago si qaldan loo isticmaalay oo aan ku jirin xisaabxirka 2017, guddiga waxaa lagu eedeeyey in xukuumadda ka shaqeyn la’dahay.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa maalintaas la ansixiyey halkaas xisaabxirka 2017 qoray “33 million iyo 700 kun dollar oo si sharci daro ah xukuumadu u isticmaashay ayaa maanta lagu ansixiyay xisaab xirkii 2017! Lacagtaas waxay ka kala timid wadamada Sacuudiga 30 milyan, Turkiga 2 milyan iyo Imaaraadka 1.7 milyan. Lacagtaas kuma jirin miisaaniyadii 2017 barlamaanku ansixiyay. Xukuumadu sooma sheegin in lacagtaas soo gashay. Markii lagu arkay xisaab xirkii ay soo gudbiyeen 2017 waa sheegi waayeen sababta iyo sida loo isticmaalay.

Miisaaniyadda 2018 waxay aheyd $275 million halka baarlamaanka federaalka ah uu ansixiyey miisaaniayadda 2019 oo gaareysa $344 million iyada oo sanadkan 2020 xukuumadda loo anxiyey miisaaniyad dhan $459.5 million, intaba lama haayo xisaabxirkooda.

Lacagahaas marka la isku daro waxaa ay gaarayaa ilaa $1.1 billion, lama oga sida loo qarash gareeyey, mana cadda cidda ay tahay in wax laga weydiiyo xilli dalkeena mar walba lagu sheegao dalka ugu musuqa badan caalamka.

Khudbaddii murashax Farmaajo waxaa uu ku yiri “Walaalayaaloow mudanayaal iyo marwooyin hadaad idoorataan musuqmaasuqeyga musuqmaasuqa waa beegsigeyga ugu horreeya  waa la dagaalamaynaa  si fool xunna waan ula dagaalamaynaa  qofkii hantida qaranka ku takri fala  umaddana waan ku ceebaynaynaa  xabsi dheerna waan u diraynaa “.

Ra’isul wasaarihii hore Xasan Kheyre waxaa uu yiri barnaamijka xukuumadiisa ku yiri “: Waxaan ciribtiri doontaa musuqa, waxaa la dhisi doonaa guddiga la dagaallama musuqa, dhismaha dowlad wanaagga, si loo gaaro hor-u-mar iyo nabad waxaa ay sheegeen waxaa uu ra’isul wasaaraha aballan-qaaday cirib tirka musuqa iyo bixinta mushaaraadka.

Kheyre ayaa intaasi raaciyey  “inta kalsoonida shacabka kororto ayuu dakhliga dowladduna kordhayaa, inta kalsoonida hoos u dhacdo wuu dhici”. Waxaa uu ballan-qaaday xoojinta hab-raaca iyo hab-maamulka kharashka dowladda si loo hubiyo in dhammaan kharashyada ay mareen xeer-nidaamii loogu talo-galay, laguna qabtay howshii loo qoondeeyay.

Dhankiisa, Yaxye Caamir oo ah falanqeeye arrimaha dhaqaalaha oo arrintan Goobjoog News kala hadlay ayaa waxaa uu yiri “ Miisaaniyad cusub in la ansixiyo ayaaba qalad ah, kuwii hore oo aan meel lagu sheegin, sharciga lama dhowrin, mana jiro isla xisaabtan”.

Mr. Caamir oo sii hadlaya “Madax haddii lacag ka dhamaaato lama wareejin karo in baarlamaanka loo celiyo, 3 sano in la iska shaqeysto oo baarlamaan loo baahan, in aanu nidaam jirin ayey sheegee”.

Haddaba, ra’isul wasaaraha magacaaban ee maanta la ansixinayo Maxamed Rooble waxaa laga rabaa inuu qabto shaqada ay ku guuldareysteen Farmaajo, Kheyre iyo Beyle ku dhowaad afar sano, isla markaana uu dalka uga tago xisaabta oo xiran.

Goobjoog News