U bood dhigaalka

Farmaajo: Maamul goboleedyada dowladdu sameyso waxa ay ku dhisanyihiin qaab qabiil

Sheeko:War
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa dowladda ku dhaliilay qaabkii loo maray dhismaha maamul goboleedyada dalka.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in maamul goboleedyada ay ku dhisan yihiin qaab qabiil, taasina ay u baahan tahay in gudiyo loo saaro kuwaasi oo lagu soo xulayo aqoonta ay u leeyihiin xalinta arimahaasi.

Farmaajo ayaa sheegay in xafiiska madaxda dowladda ay ka socoto fara gelin toos ah oo lagu hayo maamulada qaar ee dalka ka jira, waxaana uu ku baaqay in laga fiirsado dhisida maamuladaasi oo uu sheegay inuu iska hor keeni karo Beelaha Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda looga baahnaa in qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed si wayn wax uga fahansiiso federaalka oo aysan hadda wax badan ka fahansiisnayn

“Arimahaan federaalka waa wax umadda Soomaaliyeed ku cusub laakiin loo baahnaa in ay fahansiiso dowladdu dadka nuuca federaalka aan u baahanahay xaqiiqduna waxay tahay inaan loo baahneen inaan qabiil ku dhisano” ayuu yiri farmaajo

Wuxuu dhinaca kale ka hadlay hanaanka hub ka dhigista ee xukumaddu ka hirgalisay magaalada muqdisho waxa uu sheegay in qorshaha hub ka dhigista loo baahnaa in dowladda federaalka ay ka dhigto qorshe guud oo hal mar laga hirgaliyo dalka oo dhan

“waa wax wanaagsan oo ku haboon in aan lagu bilaabin hal meel laakiin hal mar ay noqoto siyaasad guud oo dalka dhan ku wajahan oo dadka looga aruurinaayo hubka qatarta ah laakiin waxaa wax walba ka horeeya is fahan iyo qorshe dadku fahansanyihiin iyo kalsooni inay timaado” ayuu sii raaciyay farmaajo

Hogaanka saare ee dowladda ayaa xilliyadii dambe ku hawlanaa dhismaha maamulka gobolada iyagoo markaas ku tilmaamaya kuwo ku meel gaarka ah qaybna ka ah nidaamka federaalka ee lagu doonayo in dalka laga hir galiyo.

Hoos ka dhageyso Wareysiga Goobjoog FM ay la yeelatay Farmaajo oo dhameystiran: