U bood dhigaalka

Farmaajo oo Caddeyn La’aan Saxafiyiinta La Xiriiriyey Al-shabaab, SJS “Waa Khatar Gelin iyo Marin-habaabin”

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalay markii ugu horreysay ka hadlay madasha Raas oo ay shacabka su’aalo ku weydiinayeen ayaa u gefay saxafiyiinta Soomaaliyeed isaga oo caddeyn la’aan qaarkood aqoon darri ku sheegay, qaarna iney la shaqeeyaan Al-shabaab, arrintaas oo bahda saxaafaddu ku sheegeen mid khatar gelineysa amniga saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Farmaajo oo hadlayey ayaa yiri “Waxaa jira dad saxafiyiin u eg balse aanan aheyn suxufi, waxaa laga yaabaa ineysan aqoonteeda laheyn iyo khibradeedii, qaladaad badan oo caadi aheyn ayey iska galayaan ama waxaa laga yaabaa qaarba iney meelo kale ku xiran yihiin oo ay Shabaab ka mid tahay, oo ay shaqo ku jiraan, oo ay ka shaqeynayaan sidii dhibaato iyo khalkhal u abuuri lahaayeen”.

Haddaba, Xogheyaha guud ee ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumin oo arrinkaas kala hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu sheegay in warkani yahay halis isaga oo yiri ” Hadalka Madaxweyne Farmaajo wuxuu ahaa hanjabaad toos ah oo uu u diray warfidiyeenka Soomaaliyeed oo awalba khatar amni oo weyn ay heysatay. Waxaan u aragnaa halis aan la dhayalsan karin.

Mr. Muumin oo sii hadlaya “Muddaddii ay jirtay Dowladda Madaxweyne Farmaajo ee ka billaabatay February 2017 illaa maanta waxaa dalka lagu dilay 10 suxufi, waxaa la dhaawacay ku dhowaad 10 kale. waxaa la xiray in ka badan 100 weriye dalkoo dhan. Sannadkii 2019 oo kaliya waxaa dalka ka qaxday 12 suxufi sababo la xiriira handadaad dil iyo xarig ay la kulmeen”.

Xogheyaha guud ee ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS  ayaa sheegay in Farmaajo baryi jiray saxaafadda 2016-kii “Saxafiyiinta Soomaaliyeed wuxuu Madaxweynuhu ku eedeeyay inay khaladaad badan galaan, taasoo micneheedu yahay in ciddii aan isaga ama maamulkiisa amaanin inuu u yaqaano dad aan aqoon lahayn. Waa nasii darro saxaafaddii uu Farmaajo u adeegsanayey ol’olihiisa doorashada sannadkii 2016 ee uu maalin kasta telefoon ku wici jiray ee uu dhihi jiray i wareysta inuu maanta ku tilmaamay kuwo khaladaad aan caadi ahayn gala!.

Xogheyaha guud SJS Cabdalla Muumin, waxaa uu ugu dambeyntii sheegay in Farmaajo ka been sheegay xeerka saxafadda isaga oo yiri “Madaxweynuhu wuxuu kaloo sameeyay marin-habaabin. Wuxuu sheegay in xeerkii ugu horreeyay ee saxaafadeed ee Madaxweynuhu saxiixo uu isagu saxiixay taasoo aan sax ahayn. Xeerka hadda uu Madaxweynuhu sheegayo waa kii Wax-Ka-Beddelka Xeerka Warbaahinta ee Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu saxiixay bishii 9kii Jannaayo 2016. Dowladda Farmaajo waxay markale soo celisay xeerkii oo sidiisii hore kasii liita oo ka xun.

Goobjoog News