Farmaajo oo Ceyriyey Xeer Ilaaliyihii Guud Axmed Cali Daahir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka JFS, waxa uuna xil ka qaadis ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii Guud ee hore Mudane Axmed Cali Daahir.

Magacaabistan ayaa ku timid soojeedintii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha dib u habeynta garsoorka iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo hufan oo ka dhaqangala guud ahaan dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, una jeediyay Hay’adaha Sharci-dejinta in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Xeerarka khuseeya dhismaha Golahan, si loo dhammeystiro dib u habeynta garsoorka iyo hannaanka cadaaladeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee la magacaabay in uu waajibaadkiisa shaqo u guto si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, uuna shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si hufan oo caddaaladi ku dheehantahay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa uga mahadceliyay Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka JFS Mudane Axmed Cali Daahir shaqadii uu u soo qabtay dalka iyo dadaalkii uu muujiyey muddadii uu ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

  1. Kooxdii qaabilsaneyd difaaca baddii Soomaaliyeed ee Kenya nagu haysatay, kooxdaas oo loo bogay hawlaha ay ka qabteen Maxkamadaa Caalamiga ah ee Caddaaladda — International Court of Justice — waa taa mid mid uu Farmaajo u siibayo. Awal waxaa laga taqalusay Mona Al-Sharman oo aheyd lafdhabartii difaaca badda Soomaaliyeed.
    Haatanna waxaa laga taqalusay XeerIlaaliyyhii hoggaaminaayay dadaalka difaaca badda.
    Waxaa la nuxur siibay team-kii ama kooxdii garyaqaannada ahaa ee ku caan baxay difaacidda badda Soomaaliyeed.
    Farmaajo wuxuu hoosta ka wadaa fulinta heshiis uu uu qarsoodi ula galay Uhuru Kenyatta. Heshiiskaas oo laga qariyay ummadda Soomaaliyeed. Kooxda difaaca badda ayaa laga dhigayaa mid aan tayo laheyd. Garyqaannadii hawsha soo waday ee kartida iyo aqoonta lahaa mid mid baa loo cunayaa. Ujeedkana waa in ay Kenya ku adkaato dacwada badda.
    Farmaajo sidaas buu ku helayaa in Kenya ay ka hor leexiso Axmed Madoobe, beesha Farmaajana ay Kenya a dul qaaddo caburinta isla markaasna ay Kenya Farmaajo ku kaalmeyso inuu ku guuleysto doorashada 2020-ka.
    Farmaajo baddii Soomaaliyeed wuxuu u muuqdaa inuu ka door biday danihiisa shakhsiga ah.

    Alloow ka yeel (maba muuqatee) inaan qaldanahay oo uu Farmaajo yahay halyey waddani ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW