U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Ciidamada Jubbaland Ku Sugan U Ballan-qaaday Agab Ay Kula Dagaalaan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo booqasho ku joogta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland ayaa ammaanay hawsha wanaagsan ee Jubbaland ay ka qabatay Magaalada Kismaayo oo hada Xarun KMG ah, isla markana ay ku shaqeeyaan Hay’adaha kala duwan ee Dowlad goboleedka Jubbaland.

Mar uu hadlay talaadadii waxaa uu intaa raaciyay in uu ballan-qaadyoy in Federaalku ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga hawlgali doonan sidii Xarumo ay Madaxda Dowlada dhexe ku shaqeeyaan Kismaayo looga furi lahaa.

Dhankiisa, Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaa uu xusay in ay Jubbaland rajaynayso sidii loo hirgalin lahaa Xarumo iyo goobo ay ku shaqeeyaan Hay’adaha Dowlada Dhexe  gaar ahaan Madaxtooyada Ra”iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Intaas kadib Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Madaxweynaha Jubbaland waxay booqdeen Xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ay ku xaraysan yihiin Ciidamada Federaalka isku dhafka ah, waxaana ay salaam ka qaateen cutubyo kala duwan oo katirsan SNA.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadan ay dhamaysteen dhamaan tababarkii ay u baahnayeen hadana ay u xayiran yihiin hub la’aan taas oo dhaliisheeda ay leedahay Dowladda Federaalka ah, isagoo ugu danbayn sheegay in Dowladda Federaalka ah laga sugayo in Ciidamadan ay meel saarto tasiiladka ay u baahan yihiin si ay u hawlagalaan .

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay sida ugu dhaw u keeni doonto dhamaan agabka Ciidamadan ka maqan isla markana ay hawlgali doonan, isagoo ku booriyay inay xoojiyaan la dagaallanka Al-Shabaab

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socday waxay booqdeen Xarunta tababarka Ciidamada Darawiishta Jubbaland halkaas oo Ciidamo tababar dhamaystay ay kula hadleen.

Goobjoog News