U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Deni iyo Madoobe Ku Eedayay In Ay Diidan Yihiin In Xal Laga Gaaro Doorashada

Sheeko:Amniga

Maxaxmed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta hortagay xildhibaanada Golaha shacabka ee waqtigoooda dhamaaday.

Golaha Shacabka ayaa warbixin ka dhageeystay madaxweeynaha , taas oo ku aaddan xaaladda dalka si gaar ah arimaha doorashooyinka dalka oo muddo dib u dhac uu ku imaanayay.

Farmaajo oo maanta dib uga soo laabtay shirkii fashilka ku soo dhamaaday ee Dhuusamarebe 4, ayaa sheegay in mar xalado kala duwan ay soo martay ka hadalka arimaha doorashooyinka dalka .

waxa uu xusay in maamulada Jubbaland iyo Puntland ay muddo ka badan 8 bil ay ka socon la’dahay doorashada dalka .

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo hodalka qaaday in khilaafaadka dalka ee arimaha doorashooyinka ay ka danbeeyaan dowlada shisheeye , balse Farmajo ma uusan carabaabin dowladahaas.

Farmaajo ayaa xusay in tan iyo markii uu talada dalka la wareegay uu tanaasul u sameeynayay maamulada Jubbland iyo Puntland, balse labadaas maamul uu ku eedeyay in ay leeyihiin sababta wax waliba ooo khilaafka keenay .

waxa uuna sheegay in heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku gaareen isaga iyo maamulada dalka, 17 September sanadkii horay ay soo qoreen maamulada Jubbaland iyo Puntland ayagana ay diidan yihiin in la fuliyo.

Sikastaba Farmaajo iyo maamulada kale ayaa ku fashilmay shirkii xalay lagu kala tagay ee magaalada Dhuusamareeb.