U bood dhigaalka

Farmaajo oo Djibouti u Duulay, Akhriso Ajendaha Shirka IGAD

Sheeko:Amniga

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uu madaxweeynuhu kaga qeyb geli doono Shir deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ay ka soo qeeyb galayaan.

Shirkanka oo looga arinsan doono xaaladda guud ee gobalka , si gaar ah xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya , ayaa waxaa horay u codsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya .

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa madaxda urur gobaleedka IGAD waxa ay hor dhigi doonan aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ilaalinta Madaxbannaanida waddamada ku mideysan IGAD, daris wanaagga, nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Somaliya ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda dalalka ku mideeydsan IGAD ee kulanka ka soo qeeyb gasha inta uu ku sugan yahay Jabuti, si loo adkeeyo doorka soomaaliya ay ka qaadaneyso qorsheyaasha wadajirka ah ee heer gobol, kuwaas oo ku dhisan wax-wada qabsi, iskaashi dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Sikastaba madaxweeynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinaya mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cabdirisaaq  Maxamuud, Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed Danjire Yuusuf Garaad Cumar iyo Diblomaansiyiin kale.

Goobjoog News