U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Hortagaya Golaha Shacabka Ee Waqtigoodu Dhacay

Sheeko:Amniga

Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa la filaya in maanta  uu hor yimaado xildhibaanada Baarlamaanka Labada Aqal ee dalka ee waqtigoodu dhacay.

Farmaajo ayaa saaka ka soo duulay maaalada Dhusuamareeb ee caasimadda Galmudug , halkaas oo uu kaga qeb galay shir wadatashi madaxda dowladda iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka ku yeesheen.

Shirka Dhuusamareeb 4,  ayaa ku soo dhamaaday Natiija la’aan, iyadoo madaxda ay isku fahmi waayeen arimaha qaar.

Kulanka maanta ee  Farmaajo uu hortagayo Baarlamaanka Wqtigiisu dhamaaday  ayaa waxaa horay u qaadacay Gudoomiyihii Hore ee Aqalka Cabdi Xaashi Cabdillahi, balse qaar ka mid ah Senataradii Waqtiga ka dhamaaday ee  Aqalka Sare ayaa sheegay in ay xaadiri doonan Kulanka.

Farmaajo ayaa waxa mudda xileedkiis ka dhiman wax ka yar 48 sacadood lamana oga waxa uu golayaasha waqtigooda dhamaaday kala hadli doono .