U bood dhigaalka

Farmaajo oo Iska Fogeeyey Heshiiska Shidaalka

Sheeko:Amniga

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa iska fogeeyey inuu wax ka og yahay heshiiska Shidaalka 7 xirmo uu saxiixay wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukuumadda federalka ah ee Soomalaiya, waxaana uu sheegay inaan wada tashi ah laga samaynin, waxaana qoraal lagu daabacay Bogga Madaxtooyada Soomaaliya lagu yiri

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka.

Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takfilka hantida qaranka.
Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.
Goobjoog News