U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Waxqabadkiisa 6da Bil, Dhaqaalaha, Is-qabqabsiga, Aminga Iyo Musuqa Ayuu Soo Qaatay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo booqasho ku tagay xarunta warbaahinta ku hadashay afka dowladda ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay 6-dii bil ee uu xafiiska madaxtinimada hayey.

Madaxweynaha Farmaajo waxaa uu sheegay in uu wax ka bedalay dhaqankii is-qab-qabsiga dowladda dhexdeeda ahaa, amni darrida iyo musuqa isaga oo aqalka sare ugu baaqay in ay dhaqso ku ansixiyaan hindise sharciyeedka isgaarsiinta, waxaa uu sidoo kale qiray in dhaqaalaha dalka aanu aheyn sidii uu rabay.

Hadaba, Halkaan Ka Akhriso, Hadalladii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo: 

Dowlad Aan Buuqin: Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in uu soo kordhiyay isbedal siyaasadeed oo ah in dowladda dhexdeeda aanu buuq ka dhicin, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa:

“Waxyaabihii ugu horreeyay ee aan ka hadalno waxa ay aheyd in isbadal dhaqan siyaasadeed uu yimaado oo ay kow ka tahay in dowladda dhexdeeda buuq iyo is-qab-qabsi khilaafaad uusan ka dhicin, dowladda dhexdeeda kala shaki iyo aamin darro in uusan imaamin, in shacabka Soomaaliyeed loogu shaqeeyo sidii ammaanada noogu dhiibteen oo ah danta guud. Dadka dal iyo dibadba waxaa ay u farasan yihiin in laamaha dowladda mid weliba howshii loo igmaday ay heyso, xukuumadda haddii ay tahay, baarlamaanka howshooda ayey wataan, aniga aan ahay mas’uulkii kor ka eegayey sida ay wax u socdaan, meesha loo baahan yahay in wax laga saxana ka saxayo iyo aragtidii markii aan doorashada ku jirnay iyo kadiba markii la ii doortay aan ka hadlay oo ah in dalkan uu yahay dal dhibaatooyin badan soo maray, loona baahan yahay in jid cusub loo falo iyada oo lagu shaqeynayo danta guud”.

Ka Hortagga Amni Darrada: Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in uu caasimadda Muqdisho ka sameeyay xasilin iyo amni ay bulshada dareemeen isaga oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri “Waxyaabaha aan muhiimadda saarnay waxaa ka mid ahaa amniga, khasbiyan amniga haddii xaaladda sida ay tahay ku socota, dalka faqri ka bixi maayo, adeegga shacabka looo hayo ma suurtobeyso, ciyaalkii iskuullo dhiganayey ama waxbarasho rabay ma helaayaan, caafimaadkii waa sii dhamaanaya, abaaraha, faqriga iyo shaqo la’aantana waa ka sii dareysaa, marka waxyaabaha horumarka aasaasiga u ah waa amni, inaga waxaa ahmiyadda saarney amniga..in xasilooni ku soo celinno dalka oo ay ugu horeyso magaalada Muqdisho, sidaad arkeysaan waa ka muuqataa xukuumadda shaqadii ay qabatay iyo qeybihii kala duwaa ee amniga ciidamada qalabka sida iyo howlgallada ay sameeyeen in ay xakameeyaan ama ay ka hortagaan qoladan dhibka wadda”.

Dowlad Wanaag: Madaxweynaha federaalka ah waxaa uu sheegay in uu wax ka qabtay dowlad wanaagga iyo la dagaalanka musuqa, waxaa uu qiray in dakhliga aanu sidii la rabay u kobcin, isaga oo yiri“Waxaan wax ka badalay dowlad wanaag, oo ay ugu horeyso musuq maasuqa, bilowgii in aan cagta saarney waxaa muujinaya in aan ku guuleysnay 6dii bil ee hadda aan joogay ma ahee bishii ka horeysay in aan ku guuleysnay mushaarrada shaqaalaha iyo ciidamada qalabka sida aan bixinno, oo aan rajeneyno inshaa-alaah in aan sii wadno, taasina waxaa ay ku timid in aan la dagaalney musuq-maasuqa, in aan isku deynay in dakhligii aan kordhinno inkasta oo meeshii la rabay aaney joogin”.

Anisinta Hindise sharciyeedka Isgaarsiinta: Ansixinta xeerka isgaarsiinta, waxaa aqalka sare ugu baaqay in ay ku ansixiyaan hindise sharciyeedka wax ka yar 10 maalmood, “Xaqiiqiyan waa u hambalayeynayaa xildhibaannada sharafta leh ee ansixiyay sharcigan, waxaan ogahay in sharcigan muddo dheer la horkeenay baarlamaanka oo ay diidanaayeen, runtii inaga oo 6 biloow joogna, xukuumaddana ay joogto 4 bilood in la horgeeyo oo ay ansixiyaan waxaa ay ka mid tahay guulaha iyo horumarka ay xukuumaddan gaartay iyo haddii la helo wada shaqeynta dowladda dhexdeeda ah in shacabka loogu shaqeyn karo, maxaa yeelay waxa aan ka shaqeyneynaa danka guud iyo hey’adaha ganacsiga naftigooda ee isgaarsiinta maamula iyaga naftooda waxaa ay na siiyeen gacan, waxaan rajeynayaa inshaa-alaah haddii ilaah yiraahdo aqalka sare in ay-maxaa yeelay waa u tageysaa-iyaguna waxaa laga rabaa in ay ansixiyaan, meesha golaha shacabka u qaadatay bil ka yar, iyagana waxaan rajeynayaa in iyaga 10 maalmood ka yar ku qaadato si aan u saxiixo oo sharcigana u dhaqan galo”.

Shacabka Waa In uu Nagala Shaqeeyo Amniga: Madaxweyne Farmaajo waxaa uu shacabka ku booriyay in ay kala shaqeeyaan dowladda dhanka amniga si loo gaaro amni keeni kara ganacsi iyo maalgeshi, arrintaas markii uu ka hadlayey waxaa uu yiri “Xaqiiqiyan, marka laga hadlaayo amniga, dowladda waa sax, iyadaa loo wakiishay, oo laga rabaa in ay ciidamada abaabusho, oo ciidamada baahidooda ay meel saarto, haddii ay noqoto mushaaradoodii iyo wixii ay u baahnaayeen, laakin, amniga ciidamada iyo dowladda keliya ma saarna, amniga waxaa wada leh, shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, in nabaddiidka aan si wada jir ah uga hortagno, oo shacabka meel kasta ay soo sheegaan wax alle wixii macluumaad ah oo ay ka hayaan si aan uga hortagno dadka masaakiinta ah oo baaba’aya ee aan waxba galabsan, amniga waa wax ka dhaxeeya xukuumadda, baarlamaanka, dowladda guud ahaan isku soo qaad iyo shacabka, marka haddii ay shacabka nagala shaqeeyaan, waxaan xaqiijin karnaa in aan sugno ammaanka magaalada Muqdisho, haddii amniga magaalada aan sugnana, waxaa imaanaya ganacsigii, maalgeshigii, dhalinyarada waxaa ay helaayaan shaqooyin, dhaqaalaha waa kobcayaa”.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Goobjoog News