U bood dhigaalka

Farmaajo oo Ka Shaqeeyey in 8-da Febraayo Noqoto Astaan Isbadal, Akhriso Jadwalka Doorashada 2021

Sheeko:Amniga

Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalmahan shir ku lahaa xarunta Villa Somalia ee Muqdisho ayaa soo saaray jadwal ay isku afgateen oo doorasho.

Jadwalka waxaa ka muuqda in lagu soconayo nidaamkii 2016-kii iyada oo doorashada golaha shacabka iyo tan madaxweynaha ay dhaceyso xilligii tii hore ay dhacday.

Haddii sida shaxda ku qoran ay hirgasho, waxaa uu Farmaajo ku guuleysan doonaa in dalka uu la laago baarlamaan dhameystiran, lana dhaariyo 27-ka December, oo ah sanadkan dhexdiisa, kuna beegan markii la dhaariyey baarlamaanka 10-aad.

Waxaa kale oo jadwalka ku xusan in doorashada madaxweynaha jamhuuriyadda ay dhaceyso 8-da Febraayo, taasi oo maalintaas ka dhigeysa maalin taariikhi ah, sababtuna waa maalintii isaga la doortay 2017-kii.

Haddaba, Akhriso, Jadwalka: