U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Ka Soo Horjeestay Xilka Qaadista Wasiirki Amniga

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Mudda xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ma qaadisti lagu sameeyay wasiirki Amniga Xukuumadda Rooble.

Farmaajo ayaa sheegay in aan loo marin hanaan sharci ah xilka qaadista Xundubeey.

War lagu faafiyay kaliya Baraha bulshada ee Villa Soomaaliya ayaa lagu ayuu Farmaajo ku sheegay in uu ka soo horjeedo Xilka qaadista Saaxiibkiis Xundubeey.

Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo .

XIL KA QAADISTA WASIIR XUNDUBEEY MA AHA MID WAAFAQSAN DASTUURKA

Muqdisho, Sebteembar 8, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kasta oo lagu sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ilaa ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka.

Madaxweynaha oo cuskanaya Qodobka 90aad, Xarafka (e) ee Dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.” ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn.

“Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shaqada laga doonayo haatan xukuumadda ay ahayd inay dhammeystirto doorashooyinka Goleyaadha Barlamaanka ee ka bilowday dalka, lagana sugayo sii joogtaynta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla.

DHAMMAAD