U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Keligii Shiraya!!

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo ayaa sida qurshuhu yahay waxaa maanta uu  balamiyey shir uu isugu yeeray golaha ammaanka qaranka, kuwaas oo aan shirin saddex sano.

Shirkan oo Farmaajo uu  dalbaday todobadii bishaan ayaan shaki laga muujinayaa qabsoomiddiisa kadib markii uu aad uga daray khilaafka Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Maxamed Rooble.

Golaha amniga qaranka oo ay ku mideysan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda Dowlad gobaleedyada dalka, ra’isul wasaaraha, gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha ciidamada iyo lataliyaha amniga ee Farmaajo ayaa waxaa ugu dambeysay in la qabto  Sanadkii 2018 markaas oo ay baydhabo ku shireen.

Shirka golaha ayaana ahaa mid loogu tala galay in seddaxdii bilba mar ay isu yimaadaan Madaxda si xaaladaha Amni ee dalka looga wada hadlo.

Farmaajo iyo madaxda maamulada qaar ayaa khilaaf soo kala dhex galay tan iyo markaas sababay in aynan kulmin madaxda golaha Amniga Qaranka.

Shirka maanta Farmaajo uu madaxda u wacday ayaana horay loo cadeynin goobta uu ka qabsoomayo shirka, xilli maamulada dalka aysan jirin maamul Aqbalay kulanka Farmaajo.

Fahad Yaasiin oo sheegay in shirka ka sheegayo warbixin la xiriirta dilka Ikraan ayaa la filayaa inuu maanta yimaado kadib markii shalay lagu xiray Djibouti, dibna loogu celiyey Turkiga.

Xafiiska Farmaajo oo muddooyinkii u dambeyay aan xiriir la laheyn dowladda inteeda kale ayaan la ogeyn shirka  in uu qabanayo, iyadoo Khilaafka Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Waqtiga u ka dhamaaday Farmaajo.

Maamul goboleedyada ayaa la filayaa iney ku shiraan Talaadad magaalada Garoowe, iyaga oo soo gabagabeyn doona khamiista soo socota.

Goobjoog News