U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Wasiir Soomaali-Canadian Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa London kula kulmay wasiir Canadian ah balse asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, dardar gelinta iyo kordhinta taageerada Dowladda Canada siiso Soomaaliya.

Madaxweyne Farmajo ayaa aad ugu amaanay wasiirka socdaalka Canada heerka uu ka gaaray siyaasadda Canada islamarkaana ay muujineyso dedaal dheeraad ah, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda Canada taageerada joogtada ah oo ay la garab taagantahay shacbiga Soomaaliyeed.

Wasiirka socdaalka qaxootiga iyo jinsiyadaha Canada mudane Axmed Xussein ayaa ballanqaaday inay dowladda Canada sii joogteyn doonto taageerada dhaqaale iyo mashaariicda horumarineed ee ay ku caawineyso shacabka Soomaaliyeed,  isagoo farta ku fiiqay in xukuumadda Canada ay malaayiin doollar ku bixisay gurmadka abaaraha iyadoo laga jawaabayo baahida iyo dhibaatooyinka abaaraha iyo macluusha saameysay malaayiin qof oo ku sugan geeska Afrika si dadkaas u helaan cunno iyo biyo nadiif ah.

Xildhibaan Axmed Xussein oo  ah muwaadin Soomaali-Canadian, hadda waa Wasiirka socdaalka qaxootiga iyo jinsiyadaha Canada, waxaa uu ka mid tahay dadka aan ku guuleystay in ay naftiisa iyo dadkiisa wax u qabto markii uu qurbaha tagay.

Qurbojoog badan oo waxaa jirta ku fashilantay nolasha qurbaha, kuwaas oo halkaas qabyaalad ku heyso ama dhib badan dalkii kula soo laabtay, waxaa kale oo iyana jira dad asal ahaan Soomaali ah oo qurbaha iyo dalkaba laga faa’iday sida wasiirkan oo kale.

Goobjoog News