U bood dhigaalka

Farmaajo oo Kuwii La Tahunsanaa Qeyb Uga Dhigay Baarista Kiiska Ikraan.

Sheeko:Amniga

Arrintan ayaa u muuqato marin habaabinta cadaalad u helidda kiiska dilka ahaa ee Ikraan Tahliil, Farmaajo ayaa NISA oo la tuhunsanaa ku daray kuwa soo baaraya kiiska Ikraan

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay horkacaya gudigan Farmaajo uu magaabacay oo ka kabooban:-

1-Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka.
2-Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxakamadda CQS.
3-Xubin uu soo magacaabo Taliyaha booliska.
4-Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.
5-Xubin uu soo magacaabo Agaasimaha Hay’adda NISA.

Tallaabadan ayaa kuso aadaysa iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay, Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu faray Xeer ilaalinta Ciidmada Qalabka-sida in ay baarto kiiskan, Sidoo kalena Qoyska sarkaalad Ikraan Tahliil ay galdacwadeed ka dhan ah Fahad yasiin agaasimiihii hore ee NISA iyo saraakiil ka tirsan hay’adda ay ugudbiyeen maxkamadda Ciidamda qalabka sida.

 

GOOBJOOG NEWS.