U bood dhigaalka

Farmaajo oo La Sugayo inuu Ka Hadlo Muddo Kordhin ay uga Baxeen Galmudug iyo Hirshabeelle

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Waqtigiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la sheegay in caawa uu warbixin ka soo saari doono xaaladda dalka iyo qalalaasaha ka jira Caasimadda.

Sida lagu baahiyay Baraha Internetka ee Villa Soomaaliya Farmaajo ayeey sura gal tahay in uu caawa ka Noqdo qorshahiisa mudda kordhinta .

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri ” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ka warbixin doonaa xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo arrimaha ku aaddan doorashooyinka.”

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Ra’iisul wasaare Rooble ay sheegen in loo bahan yahay in la qabto doorasha ku dhacda Heshiiskii 17 September .

Farmaajo ayeyna suura gal tahay in uu noqdo mudda kordhinta.