U bood dhigaalka

Farmaajo oo Looga Yeeray Afisyooni, Xalane

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa haatan ku sugan xerada Afisyooni ee Xalane isaga oo halkaasi kulamo ku leh.

Farmaajo oo saaka ku kallahay xerada Xalane ayaa la sheegayaa inuu kulan kula leeyahay xubno ka tirsan beesha caalamka oo uu ku jiri safiirka Mareykanka.

Kulanka Farmaajo iyo reer galbeedka ayaa imaanaya kadib markii ay Muqdisho qasneyd saacadihii lasoo dhaafay sababo la xiriira bartilmaameedsiga dowladda ee Saadaq John iyo weliba maalmo kadib markii uu Farmaajo iskiis ku darsaday labo sano.

Midowga Yurub iyo Mareykanka oo ka falcelinaya muddo kordhinta Farmaajo ee labada sano ayaa ku hanjabay in aqoonsiga kala laaban doonaan Soomaaliya isla markaana ay cunaqabateyn doonaan saraakiil sarsare oo ka tirsan maamulkiisa.

Lama oga ujeedka kulanka uu Farmaajo lala leeyahay Mareykanka laakin waxaa la filayaa in looga hadlo muddo kordhinta, iyada oo reer galbeedka ay wadaan cadaadis la xiriira in lagu laabto Afisyooni, lana ambaqaado dhaqangelinta heshiiska September 17.

Wararka kulanka kala soco.

Goobjoog News