U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Mar Kale Caqabad Ku Noqday Doorashooyinka

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa mar kale qaaday tallaabo carqalad ku ah doorashooyinka dalka, kadib markuu caawa fiidkii xarunta afisyooni uu ka kaxaystay 8 oday dhaqameed oo katirsan 46ka oday ee soo xulaya 11 senetor ee Aqalka Sare kumatalaya Soomaaliland.

Xog ay GOOBJOOG NEWS ka heshay ilo wareedyo gudaha Villa Somalia ah aya tilmaamysa in sideeda Oday oo cawa ka tagay Afisyooni ay lakulmeen Farmaajo iyo Fahad yasiin iyagoo kala hadlay Doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Waxayna taasi sababtay in Guddiga doorashooyinka gobolada waqooyi(Soomaaliland) uu sheego in dib udhac uu ku yimid habraacii doorashada aqalka sare ee gobolada waqooyi oo 27 september oo berri ah loo balansana in ay musharixiinta jeediyaan khudbaha.

Ra’iisul wasaare Rooble oo uxilsaaran qabshada doorashooyinka dalka si gaar ah tan gobolada Waqooyi ayaa loo arka in arinkan uu ku noqon doono caqabad hor leh, kadib markii in muddo ah uu Rooble ku hawlana Xalinta Khilaafkii ka dhax aloolsana siyaasiyiinta Gobolada waqooyi.

 

GOOBJOOG NEWS.