U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Mataalad U Diiday Xildhibaannada Gobalka Gedo

Sheeko:Amniga

Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu doortay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee dalka, taas oo ololaheeda ay muddooyinkii la soo dhaafay magaalada ka socota.

Hoolka ay doorashada ay ka dhaceyso ayaa waxaa goobjoog ahaa 257 mudane kuwaas oo kamid ah golaha shacabka, xilli ay codkooda ay dhiibanayeen 240 mudane oo keliya.

16 xildhibaan oo laga soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobalka Gedo oo goobjoog ahaa hoolka doorashada ayaanan codkooda dhiibanin sababa la xiriira is qabqabsi ka dhashay doorashada.

Farmaajo oo ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee dalka ayaa kabiya diiday in ay qayb ka noqdaan doorashada guddomiyaha golaha shacabka xildhibaannada gobalka Gedo oo uu deegaan ahaan ka soo jeedo.

Maxamed oo horay dhowr jeer loogu eedeyay in gobalka Gedo awgiis uu doorashada u carqaladeeyay ayaa xalay markale u diiday in xildhibaannada gobalka uu ka soo jeedo ay qayb ka noqdaan tartanka doorashada guddomiyaha golaha shacabka.

Qoraal uu habeen ka hor soo saaray ayuu ku sheegay Farmaajo in loo baahan yahay in xildhibaannada gobalka Gedo aysan ka qayb galin doorashada guddoonka golaha shacabka.

“Sida ku cad wareegtadii uu Madaxweynuhu 22-kii Abriil 2022, ka soo saaray doorashooyinkii is barbar socday ee Gobolka Gedo, Xildhibaannada lagu soo doortay Degmooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq kama qeyb gali karaan doorashada iyada oo aan la helin heshiis ay wadar-oggol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020, ama uusan Barlamaanka 11-aad soo saarin sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaankii 10-aad labadiisa Aqal ay horey u wada ansixiyeen,” ayuu yiri Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Sikastaba 32 xilhibaan oo 16-kamid ah ay heystaan shahaadooyinka rasmiga ah ee xildhibaannimada ayaa xalay laga reebay doorashada guddoomiyaha golaha shacabka.

Goobjoog News