U bood dhigaalka

Farmaajo oo Muddo Kordhintiisa u Suuq-geeyey Afrika, Felix waa Madaxa Midowga Afrika!

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo muddo kordhinta labada sano ah ee uu iskiis ugu dhufsaday todobaadkii hore kala kulmay go’doomin dhanka reer galbeedka ah ayaa si uu suuqgeyn cusub ugu helo, waxaa uu haatan booqasho labo maalin ah ku joogaa  Kinshasa, oo ah caasimadda Democratic Republic of Congo (DRC).

Farmaajaha go’doonsan, Kinshasa uma tagin inuu madaxweynaha dalkaasi Felix Tshisekedi kala hadlo xiriirka labada dal, ganacsi ama isu dhowaanshiyo siyaasi ah, ee waxaa uu u duulay inuu madaxweyne Felix Tshisekedi oo February uun sanadkan loo doortay madaxa midowga Afrika ugu suuqgeeyo, kana iibiyo muddo kordhinta aqalka sare, maamul goboleedyada iyo saamileyda siyaadadda Soomaaliya ay sharci darrada ku tilmaameen ee labada sano, taas oo qeyb ka mid golaha shacabka ay 12-kii bishan siiyeey Farmaajo iyo maamulkiisa.

Inuu Farmaajo Afrika aado, waxaa ay timid kadib markii uu cadaadis kala kulmay beesha caalamka gaar ahaan Mareykanka iyo midowga Yurub oo ka horyimid muddo kordhinta, iyada oo ku adkeysigana arrinkan ay ugu goodiyeen isaga iyo saraakiil kale oo maamulkiisa ah iney cunaqabateyn doonaan.

17-kii bishan ayey beesha caalamka waxaa ay Farmaajo ugu yeertay Afisyooni, Xalane iyaga oo la hordhigay inuu ka laabto muddo kordhinta, dibna ugu laabto teendhada si loo ambaqaado dhameystirka heshiiskii doorasho ee September 17, arrintaas oo muuqato in Farmaajo ka dhego adeygayo, kuna qasabtay inuu maanta maciin bido midowga Afrika.

Lama oga sida madaxweyne Felix Tshisekedi oo labo sano kahor qaab dimoraadi ah ku yimid kursiga, kana guuleystay Joseph Kabila  oo 19 sano xukunka heystay, kana dhaxlay aabihii uu gacan usiin karo nin maquunis wada oo ku darsaday labo sano, laakin waxaa muuqato in talada uu Farmaajo ku aaday  Kinshasa ay la qabaan Abiy iyo Afwerki.

Farmaajo ayaa u muuqda inuu sahashanayo hadallada iyo cadaadiska madasha badbaado qaran iyo maamul goboleedyada, isaga oo haddii Afrika ay taageerto, oo beesha caalamka lagala hadlo is tusay inuu Soomaalida ka guuleysan karo, taasi oo nafteeda noqon karta qar iska tuurnnimo iyo xisaab kale oo qaldan uu isku dhufsanayo.

Goobjoog News