U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Safarkiisa Ugu Dambeyay Ugu Baxaya Antalya 

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda u duulaya dalka Turkiga isaga oo  ka qeyb galaya shir looga hadlaya diblomaasiyadda.

Shirkan oo ka dhacaya  magaalada Mediterranean-ka ee Antalya  inta u dhaxeysa  18-20  bishaan,  waxaa sidoo kale ka qeyb galaya madaxweynaha Turkiga Erdoğan iyo madax ama dalal kale oo aan aheyn quwada adduunka.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in shirka ay tagayaan am aka qeyb galayaan sidoo kale madaxda 36 dal oo u badan dalalka qaaradaha Afrika iyo Asia.

Shirkan looga hadlayo diblomaasiyadda ayaa hadana waxaa qaadacay ama aan tagi-doonin dalalka ugu waaweyn dunida ee Mareykanka iyo Yurub.

Dalalka Yurub ee aqbalay ka qeybgalka shirkan waa dalal yaryar, oo aan miisaan ku laheyn midowga Yurub, kuwaas oo kala ah: Malta, Kosovo, Montenegro, Bosnia iyo Herzegovina, Croatia, North Macedonia, Albania, Moldova, Ukraine, Romania, iyo The Qubrusta waqooyi oo ah dal ay Turkiga keliya aqoonsan tahay.

Ma jiro dal ka tirsan quwada military ama dhaqaale ahaan dunidan ugu waaweyn sida Mareykanka, Russia, China, Germany, France, the UK iyo  Japan oo sheegay iney ka qeyb galayaan shirkaan.

Waxaa kale oo aan shirka tagi-doonin dalalka ugu miisaanka culus dunida carabta sida Masar iyo Sacuudiga kuwaas oo mar hore albaabada ka xirtay Erdoğan iyo dalkiisa.

Erdoğan oo go’doonsan diblomaasiyad ahaan inuu qabto shir looga hadlayo mustaqbalka diblomaasiyadda caalamka, ayaa dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda waxaa ay qabaan in  tahay waqti lumis, iyada oo la saadaalinayo in shirkan uu fashilmay inta aanu bilaaban.

Dalalka waaweyn ee dhaca Mareykanka, Yurub ama bariga dhexe ayaa ku wareeray siyaasadaha Turkiga tan iyo markii uu dalkaasi qabsaday madaxweyne Erdoğan, isaga oo saacad kasta luminayey dal siyaasad ahaan horay olog ula ahaa jamjuuriyadda weyn ee Turkiga.

Dhanka kale, si la mid ah Erdoğan, waxaa go’doon ku jira madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo fadhiya xafiis sharci darro ah.

Farmaajo oo in ka badan 100 jeer dalka ka baxay 4-tii sano ee lasoo dhaafay ayaa safarkan Antalya  waxaa uu noqonayaa midkii ugu dambeysay inta aan la gelin doorashada 2021-ka iyo inta aanu banneyn Villa Somalia.

Goobjoog News