U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Sanadkii 2aad Ka Baaqday Shirka Jimciyadda Qurumaha ka Dhexeysa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sanadkii 2aad ka baaqday shirka Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa sababo la xiriira dhalashadiisa Mareykanka ah.

Wasiir arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa u kicitimay NewYork, isaga oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya Fadhiga guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.

Mudane Cawad waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha isaga oo ka wakiil ah Madaxweyne Maxamed Cabduulahi Farmaajo.

Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa waxaa ay ka mid tahay lixda hay’adood ee ka koobad tahay Qaramada Midoobey, waxaa ay mas’uul ka tahay dajinta Siyaasadaha guud ee Caalamka, waa meesha looga codeeyo arimaha muhiimka sida Codeynta arimaha Amaanka, Nabadda,

Shaqooyinkeeda waxaa ka mid ah: Nabad ilaalinta, Xalinta Muranada, Meel Marinta Miisaaniyadda Qaramada Midoobey, doorashada xubnaha aan joogtada ayeyn ee Golaha Amaanka iyo xitaa Xogeyaha guud ee Qaramada Midoobey markii ay golaha amaanka soo jeediyaan.

Sababta uu Farmaajo u Tagi la’yahay Mareykanka La soco goordhow