U bood dhigaalka

Farmaajo oo Saxiixay Guddi Kale oo Sharci Ahaantiisa La Isku Heysto

Sheeko:Amniga

Waxaa markale soo baxay warar sheegaya in madaxweeynaha Waqtigiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu saxiixay guddiga guddiga madaxabanaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa, arrintan ayaa imaaneysa iyada uu welli muran ka taagan yahay saxiixiisa dhameystirka guddiga Golaha Adeegga Garsoorka .

Warqad ka soo baxday xafiiska madaxweeynaha ayaa lagu meel mariyay 9 xubnood oo ka mid noqonaya guddiga madaxabanaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Qoraalka ayaa waxa ku taariikheysan 30 bishii 12-aad sanadkii tagay 2020, waxaana durba soo baxaya shaki ku aadan sharci ahaanshaha  hanaanka lagu soo xulay xubnaha , iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada ay sheegen in markale ansixinta guddiyadan ay muujineyso sida uu Farmaajo ugu tumunayo dastuurka .

Sida ku qoran xeerka lagu dhisay guddiga qodobkiisa 10-aad, waxaa la horgeeyo baarlamaanka federaalka ah labadiisa aqal.

Guddiga musuqa waxaa ay ansixiyeen golaha shacabka  November 16, laakin aqalka sare oo loo gudbiyey 22-kii isla bishaas, weli waa uu heystay, laakin waxaa ay ka war heleen inuu Farmaajo saxiixay.