U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Shaki Geliyey In Waqtigeeda Ku Dhacdo Doorashada 2016 (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Goobjoog News ayaa kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan doorashooyinka la filayo in sanadkaan ay dalka ka dhacaan.

Farmaajo ayaa rajo xumo ka muujiyey in sidii loogu tala galay u dhaqan galo jadwalka doorasho.

Waxa uu dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana uu sheegay in wax badan oo looga baahnaa inay qabtaan aanay qaban.

“Weli ma muuqato in doorashada ay ku dhici doonta waqtiga ay iyagu qabsadeen ee September ah August-ana baarlamaanka la dooran doono, marka jadwalka la eego maanta waxay ahayd in Oday dhaqameedyada diyaariyaan liiska ergooyinka codka bixinaya iyaga oo tixgelinaya kuraasta sida gaarka ah loo siiyey Haweenka, laakiin hadda waxaan ognahay in aan la qaban howlihii loo baahnaa laga soo billaabo 24-kii June aan la qaban, guddiga khilaafaadka inaan la sameynin, wacyigelintii dadweynaha inaan la sameynin, marka gaab ayaa jira”

Waxa uu soo hadal qaaday Farmaajo aragtidiisa ku aadan waxa xilligaan hortaagan in sidii loogu talagalay u hiragalo jadwalka doorashada.

“Waxaa ku hor gudban waxyaabo badan, waxaan ognahay madaxweynaha in maalintii Ciidda uu yiri dadka wax tilmaamaya oo wax ka sheegaya wixii aan la qaban waa cadow, runtii madaxweynaha waxa uu iloobay inay nasteexo u tahay haddii wax loo tilmaamo inay tahay wax la saxayo oo ka qaldan, laakiin inuu ku tilmaamo cadow ma wanaagsaneyn oo waxay noqotay wax laga naxo inuu isla meel dhiggo ragga siyaasadda kula loolamaya isna horay usoo maray iyo argagaxisada, cadow kan ku dilaya ayaa la dhahaa, haddii uu danta guud ka shaqeynayo waa uu ka faa’ideysan lahaa waxyaabaha jira, haddii aan nahay siyaasiyiin waxaan aragnaa waxyaabo badan”

“Afartii Sano howlihii uu ballan qaaday madaxweynaha ma uusan qaban, maalintii la doortay illaa hadda wax badan ma aanay qaban, waxay keentay in dalka uu galo Afartii Sano ee ugu dambeysay siyaasad deganaasho la’aan, waxaan ognahay Saddex dowaladood ayaa Saddex sano dhexdooda isku bedalay, iyadoo Bilooyin ka dhiman tahay dowladii ayaa wasiiro la bedalay” ayuu yiri Farmaajo

Wareysiga Goobjoog ay la yeelatay Ra’iisul wasaare hore Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa meello badan taabanaya.

Riix halkaan si aad u dhageysato

Goobjoog News