U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Sisi Ka Codsaday Taageero Dhanka Amniga Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saacadihii la soo dhaafay khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Masar Cabdi Fitaax Al-sisi.

 Sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada ee Masar Baasim Raadi, Farmaajo waxaa uu ammaanay sida Masar ay Soomaaliya uga taageerto soo-celinta amniga iyo xasiloonnida.

Dhankiisa, Madaxweynaha Masar Cabdi Fitaax Al-Sisi waxaa uu ka hadlay xiriirka soo-jireenka ah ee labada dal, isaga oo intaasi raaciyay in Masar ay mar walbo taageereyso midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.

Wada hadalka labada madaxweyne ee Farmaajo iyo Sisi waxaa sidoo kale lagu soo qaaday arrimaha argigixisada iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalankeeda, Farmaajo ayaa Sisi u sharaxaya dadaallada ugu dambeeyay ee dowladiisa ay ka waddo arrimaha la dagaalanka argigixisada iyo soo celinta amniga iyo xasiloonida geyiga Soomaaliya.

Goobjoog News