U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Soo Gabagabeeyay Booqashadii Qatar…Maxaa Ka Dhacay Doxa?

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay dalka Qatar, intii uu halkaasi joogay waxaa uu la kulmay  Amiirka Dalka Qatar  Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ninka dambe  ayaa ballan qaaday inay Dowladdiisu ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada dhaqaalaha, dib u dhiska iyo howlaha horumarinta Waddanka.

Inta uu Qatar joogay madaxweynaha waxaa uu wareysi siiyay wargeyska Alsharq-awsat oo ah wargeys Sacuudiyaan ah oo fadhigiisu yahay London, Farmaajo waxaa uu ka hadlay awoodda dowladdiisa la dagaalka waxa uu ugu yeeray argigixisada, waxaa kale uu dowladda Sacuudiga ku amaanay doorka ay ka qaadaneyso arrimaha Soomaaliya, isaga sheegay in ay ka wada hadleen ladagaalanka argagixisada, dib u dhiska Ciidamada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo kabida Miisaaniyada Dowladda

Madaxweynaha waxaa uu la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar iyada oo halkaas la iskaga dhageystay qorshaha dowladda, waxaa kale ee madaxweynaha uu booqday masjidka Sheekh Cabdirashid Sheekh Cali Suufi halkaas uu Sheekha umadda u duceeyay.

Dhinaca kale, wafdiga Wasiirrada ah ee la socday madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmay dhiggooda Dalka Qatar, waxayna ka wada hadleen sidii iskaashi buuxa ay u yeelan lahaayeen Wasaaradaha ay kala matalaan ee Labada Waddan.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid Maxamed C/laahi ayaa la kulmay dhiggiisa Dalka Qatar Khalid bin Mohammad Al Attiyah.

Mudane C/rashiid Maxamed ayaa ka sheekeeyay baahida ay u qabto Soomaaliya dib u dhiska Ciidanka, qalabka iyo xagga tababarrada intuba.

Wuxuuna dhigiisa Dalka Qatar Mr; Al-Attiyah ballan qaaday inay kasoo dhalaali doonaan doorka kaga aaddan caawinta iyo taageerada guud ee ay u fidinayaan walaalahooda Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa isagana la kulmay dhigiisa Dalka Qatar Dr; Saleh Al-Nabi.

Waxanay isla meel dhigeen wasiirradu sidii laysaga kaashan lahaa dhinacyada dhaqaalaha iyo maal gashiga, si ay loo kobciyo wax soo saarka ay Soomaaliya qaniga ku tahay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar ayaa isna kulan kaas la mid ah la qaatay dhiggiisa Qatar Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

Waxanay sidoo kale ka wada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa howlaha horumarinta Dalka Soomaaliya iyo fulinta mashaariic uu ballan qaaday Amiirka Dalkaasi.

Wafdiga Madaxweynaha oo booqasho Laba Cisho ah ku joogay Waddanka Qatar ayaa la filayaa iney Dalka dib ugu soo laabtaan Maanta oo jimco ah.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaa ay Qatar ka soo tageen galabtii jimcaha, waxaana garoonka Hamad International Airport  ku soo sagootiyay wasiirka qorsheynta dalka Qatar Dr Saleh Mohamed Salem al-Nabit iyo safiirka Soomaalida ee  Qatar, Omar Sheikh Ali Idris.

Goobjoog News