U bood dhigaalka

Farmaajo oo Taagan Sababihii uu Uga Cararay Dhuusamareeb 4 iyo Teendhada Afisyooni

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u muuqdo inuu u hoggaansamay cadaadiska ka dhashay dagaalka ka dhanka ahaa muddo kordhinta isaga oo sheegay inuu ka laabanayo muddo kordhinta, diyaarna u yahay heshiiskii September 17.

Farmaajo inuu sidasi sameeyey waxaa kusoo aaday xilli saacado kahor ay markabka uga boodeen maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle iyada oo raacay ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta, waxaa kale uu wajahay cabsida ah cunaqabateyn ay ugu hanjabay Mareykanka.

Madaxweynaha hore oo hadlayey waxaa uu sheegay inuu sabtida hortagi doonno golaha shacablka, waana tallaabo kale uu golahaasi gacanta ugu jira uu uga ka dhaadhicin doono iney laalaan muddo kordhin uu 12-kii bishan ku qasbay.

Marka laga soo tago, inuu Farmaajo eedeyn iyo ismoogeysiis khudbad ah jeediyey hadana waxaa uu ku celiyey in September 17 lagu noqdo shuruud la’aan.

Waxaa xusid mudan in aaney wax dhibaato ah ka jirin September 17, ee waxa la isku heystay ay aheyd maamul goboleedyada oo lahaa hala furo heshiiskaas iyo Farmaajo oo ku adkeysaney in sidiisa lagu qaato.

February, shirkii Dhuusamareeb 4, maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland waxaa ay hor dhigeen ilaa 3 qodob oo kala ahaa: (1). Arrinta Somalinad (2). Guddiga doorashada lagu muransanyahay (3). Gedo. Farmaajo waxaa uu isku dhejiyey Gedo taasi oo keentay inuu shirka kasoo cararo.

April, shirk a dhacay Teendhada Afrisyooni, waxaa ay maamul goboleedyada ku dareen shuruudo cusub oo ay ugu muhiimsanaayeen:  (1). Awoodaha Farmaajo (2). Amniga doorashada (3). xil ka qaadista taiyeyaashii qaska wada (4). Ka qeybgalka musharaxiinta. Mar kale shuruudahaas dartood ayuu Farmaajo shirka uga baxay.

Hadda, shirka May ka filayo, dagaallo ka dhacay Muqdisho, askar gadoodday, dhexdhexaadinta midowga Afrika iyo arrimaha cusub waxaa ay horseedi karaan shuruudo cusub, taasi oo haddii uu Farmaajo diido keeni karta burbur cusub oo wada haddalada la qorsheynayo ah.

Goobjoog News