U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Turkiga U Safraya Maalin Kadib Markii Ay Yabooheen 10 Milyan Oo Deeq Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu u kicitimo dalka Turkiga, isaga oo lagu wado in uu kala hadlo xiriirka labada dal, taageerada Turkiga iyo arrimo la xiriira maalgeshi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Turkiga aadaya kadib maalin uun markii ay Ankara sheegtay in 10 Milyan oo Dollar ay ku kabi doonto miisaaniyadda Soomaaliya.

Booqashada ayaa sidoo kale imaaneysa 9 maalmood kadib markii madaxweynaha Turkiga uu ku guuleystay afti ay dadka Turkiga ku siiyeen awoodo dheeraad ah, arrintaas oo Yurub oo meelo kale laga deyriyay.

Waa Booqashadii 5-naad ee Farmaajo uu dalka dibadiisa ku aado tan iyo markii la doortay 8-dii Febraayo, waxaa xusid mudan in booqashooyinkii hore aan la sheegin wax uu ka soo helay iyo haddii ay jireen heshiisyo la gaaray.

Goobjoog News