U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Wakiillo Ka Socda AMISOM Kala Hadlay Sida Ciidamada Soomaalida Loo Diyaarin Lahaa

Sheeko:Dalka

Villa Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in sabtidii ay aheyd mid mashquul badan, Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulammo la yeeshay safiirro dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo isagoo sidoo kale warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Ingiriiska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isu yeeray safiirrada dalalkooda ay ku jiraan ciidammada AMISOM iyo saraakiishooda, isagoo kala hadlay howlaha nabadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegayaa in uu raggaas kala hadlay sidii loo dhisi lahaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, si ay AMISOM amniga ugala wareegaan.

Kulan waxaa joogey oo madaxweynaha ku wehliyey, Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha agaasimaha Guud ee madaxtooyada, safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo howl-wadeenno kale,

Dhinaca kale, Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaa uu  warqadaha aqoonsiga ka guddoommo, safiirka dowladda Ingiriiska danjire David William Concar,

Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka cusub ee boqortooyada Ingiriiska ayaa wada qaatay kulan,  waxa ay ka hadleen xiriirka labada dowladooda iyo  sii amba-qaadidda wada shaqeynta ka dhaxeysa.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay taageerada Ingiriiska Soomaaliya uu siiyo ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo midka siyaasadda, madaxweynaha ayaana uga mahadceliyey dowladda UK arrimahaasi.

Goobjoog News