U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Xukuumadda Amray Ansixinta Sharciga Doorashooyinka Iyo Axsaabta Oo Ku Eedeeysay Inuu Yahay Sharci Lala Baxsanayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta ka qeyb-galay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada ayaa xukuumadda Soomaaliya u soo-jeediyey inay hindise sharciyeedka doorashooyinka ansixiyaan todobaadka soo socda uuna u gudbo baarlamaanka federaalka ah, una daba-galaan, si doorasho uga dhacdo Soomaaliya  2020-ka.

Madaxweyne Farmaajo oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Waxaan ka hadalnay inclusive politics  oo ah siyaasadda loo dhanyahay, waxaan idiinka codsanayaa usbuuca soo socda in aad ansixisaan sharciga doorashooyinka, si annaga ay nooga dhammaato xukuumad ahaan, oo sanadkan dhammaandkiisa ay baarlamaanki u ansixiyaan si uusan waqti nooga lumin, in aan ku daba galno golaha shacabka, oo si doorasho loo qabto 2020-ka ay ansixiyaan sharcigaas”.

Dhinaca kale, axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sida uu madaxeyne Farmaajo u dedejinayo sharciga doorashooyinka  iyada oo aan wadatashi laga sameyn dadka uu sharciga quseeyo, iyaga oo ku eedeeyey  Farmaajo inuu xisbigiisa uga daneynayo sharcigan baxsadka ah.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan mas’uuliyiinta xisbiga Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo ka hadlayey sida fudud ee Farmaajo ula ordayo sharciga wuxuu yiri“Sharciga doorashada 2015/16 xisbiyadii aadka ugu ololeynayey ayaan ka mid aheyn, iyada oo gacanta lagu haayo, uu dhammaan yahay ayey dowladdu isbadashay, waxaan islaheen sharciga ugu horeeya oo marka wadatashi lala soo sameeyo dowlad goboleedyada iyo axsaabta ee baarlamaanka la keeni-doono ayuu noqon-doonaa, runtii madaxweynaha inuu yiraahdo degdeg haloo geeyo-xisbi marka la sameynayo, madaxweynuhu xisbigiigsa iyo howlihiisa isaga uu rabo ayuu mar walbo rabaa inuu nagu jaan-gooyo-laakin  sharcigani waxaa ay aheyd in wadatashiguusu-maadaama doorashooyinku ay gobollada dalka ka dhacayaan, xaqna u leeyihiin in la gala tashado dowlad goboleedyada inta aan sharciyada la sameyn, dhan kalana xisbiyo siyaasadeed oo diwaan-geshan ay jiraan oo aragti ka leh sharcigan ama sugaya in madaxweynaha uu sidaas u soo farageliyo isaga oo xisbigiisii arrimhiisa ku jaan-goynaya ma ahan, laakin sharciga in la dedejiyo anigu waan qabaa, uu yimaado baarlamaanka, laakin ay ka horeyso inuu wadatashigiisa uu soo dhamaado”.

Dhankiisa, waxaa isna arrinta sharciga ay xukuumadda ay ansixin-doonto todobaadka soo socda , fudeydka jira iyo wadatashi la’aanta ka hadlay guddoomiyaha xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale isaga oo yiri “Hadda ayaan warbaahinta ka arkay, madaxweynuhu inuu yiri sharciga doorashooyinka ha la keeno simitaanka soo socda, innagu waxaan xiriir leenahay guddiga doorashooyinka qaranka iyo wasaaradda arrimaha gudaha ilaa hadda xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda oo aan la xiriireynay beryahan oo dhan waxaa uu naga balanqaaday inuu u keenni-doono wadatashi, sharuucda golaha wasiirrada iyo baarlamaanka lama geeyo iyada oo aan lageyn wadatashi…aragti ayaan ka leenahay, input badan ayaan rabnaa in aan gelino, waayo waa sharcigii hagayey xisbiyaga raba inay u tartanto doorashada qaranka, marka howl inaga na quseyso waaye”.

Mr. Kamaal ayaa dhinaca kale ka hadlay saameynta sharciga “Qodobka 2aad, heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray Baydhabo waxaa la isku raacay in la qaato “matalaada isku dheelitiran liiska xiran”, laakin ma lagu heshiin Satate constituency ama single constituency, arrintaas heshiis lagama gaarin, haddii la dhaho Satate constituency sharci si ayuu u qormaayaa, haddii la dhaho single constituency si kale ayuu u qormaa, sharciga marka la qoranaya, dowladda go’aan ay gaartay oo aysan aragti kale gelin, waa sharci baxsad ah, waxaan u sheegeynaa dowladduu inay soo celiso, wadatashi gesliso, innagana ay nagala hadasho”.

Goobjoog News