U bood dhigaalka

Farmaajo: Rooble Wuu Ku Fashilmay Qabashada Doorasho Heshiis Lagu Yahay

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in ra’iisulwasaare Rooble uu ku fashilmay howlaha doorashooyinka.

War-saxaafadeed keliya lagu daabacay baraha bulshada Villa Somalia xalay saqdii dhexe ayuu ku sheegay in Rooble ku guuldareystay dalka in uu ka qabto doorasho saldhigeedu uu yahay heshiiskii doorasho ee 17 septerm iyo 1 October 2020.

“In Ra’iisul Wasaaruha uu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee ahaa hogaaminta doorasho ku dhisan Heshiiskii 17kii Sebtember 2020 iyo habraacyadii dhammeystirayay ee soo baxay 1-dii Oktobar 2020” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska madaxweynihii hore ee dalka.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada in ay shir isugu yimaadan si looga tashto hogaan awood u leh qabashada doorashada dalka.

“Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la isugu yimaado shir wadatashi ah oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dhacdo,” ayaa lagu yiri warka Farmaajo.
Hadalkaan ka soo yeeray Maxamed Farmaajo ayaa soo shaac bixiyay khilaaf muddooyinkii la soo dhaafay la sheegayay in uu ka dhex taagan yahay Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynihii hore ee dalka.
Goobjoog News