U bood dhigaalka

Farmaajo: Waxaan Golaha shacabka Ku soo celin Doonaa Heshiiska Aan La Gaarno Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ooop la hadlayey golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa u sheegay in wada hadliddu tahay heshiis, isaga oo balanqaaday in golaha uu ku soo celin doono  heshiis walba oo ay xukuumadiisa la gaarto dowlad goboleedyada, ee ka dhaca Dhuusamareeb.

“Waxaan golaha shacabka ku soo celin doonaa heshiis walba oo aan la gaarno dowlad goboleedyada si aad u sharciyeysaan” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sii hadalaya ayaa intaa ku daray in golaha shacabka uu matalo 15 milyan oo Soomaali ah, oo ay ku jiraan dowlad goboleedyada isla markaana uu yahay marjaca wax walba loogu noqdo.

Ugu dambeyntii, inkasta oo uu  Farmaajo caddeeysay sida isaga iyo xukuumadiisa u taageerayaan sharciga doorashada ee golaha shacabka ansixiyey iyo qof iyo cod, laakin Khudbaddan uu golaha ka jeediyey kahor tagiddiisa Dhuusamareeb iyo ka qeybgalka Dhuusamareeb 3 ayaa lagu tilmaami karaa iney tahay mid lagu sheegay wixii la sheegi lahaa iyo marqaatigelin uun, mana muuqan meel isku dhejin gaar ah.

Goobjoog News