U bood dhigaalka

Farmaajo: Xaqiiqatan Qaabka aan Hadda Dib ugu noqnay, Waa dib u Dhac,

Sheeko:Amniga

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalay ka hadlayey madashii ugu horeysay oo shacab su’aalo ku weydiinayaan tan iyo markii la doortay ayaa qirtay in doorashada dadban ee dhaceysa sanadkan ay tahay dib u dhac.

Farmaajo oo arrinkaas ka hadlaya ayaa yiri “Xaqiiqatan qaabka aan hadda dib ugu noqnay, waa dib u dhac, laakin waxaad kala dooraneysaa wax dhib badan iyo wax fudud marka aad kala dooraneyso waa sahlan tahay, laakin labo shey oo dhib badan marka aad kala doornaeyso wax sahlan ma aha”.

Farmaajo sii hadlaya “Marka inaan kala dooranno dalkii inuu kala tago, mushkilad siyaasadeed iyo khilaaf siyaasadeed bilaabo, oo shisheeye soo dhexgalo iyo noocii jacburka ahaa inaan iska wadano, innaga oo garbaha is heysanno”.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya saacado kadib markii uu baarlamaanka ansixiyey heshiiska siyaasadeed ee doorashada 2020/2021.

Goobjoog News