U bood dhigaalka

Faroole: Shaki Kuma Jirin In Musuq Ku Jirey Doorashooyinkii Dhacay

Sheeko:Baarlamaanka

Senator C/raxmaan Faroole ahna musharrax Madaxweyne oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan doorashooyinka Soomaaliya iyo sidoo kale xaaladda Puntland.

Faroole ayaa sheegay in ugu horreyn uu aad u taageersan yahay dhaliil ka timid beesha caalamka oo ku aadan arrimaha doorashooyinka iyo in uu jiro arrimo la xiriira Musuq.

“Anigu aad baan u taageersanahay dhaliisha ah in  wax la musuqay, wallow ay goor dambe timid, markii August Baarlamaanka soo bixi waayey, 10-kii September madaxweyne la dooran kari waayey, niman aan xafiiska xaq u lahayn ay sii fadhiyeen oo hantidii qaranka ku takri faleen, beesha caalamka wey soo daahday, digiinteedaas waan taageerayaa” ayuu yiri Faroole.

C/raxmaan Faroole ayaa dhanka kale ka hadlay shirkii madashada wadatashiga qaran uga socdey magaalada Muqdisho oo uu sheegay in aaney kasoo bixin wax natiijo u ah shacabka Soomaaliyeed, marka laga reebo dano gaar ah oo la ilaalsanayo waa sida uu hadalka u dhigaye.

“10 maalin baa qolada madasha Xamar fadhiyaan, waad ogtihiin dalka waxaa ka jira colaad iyo abaar baahsan oo guri walbo oo Soomaaliyeed gaartay, 10 maalin oo natiijo la aan ah oo Xamar la fadhiyaa dadkii doortey dadkaasi bal ha weydiiyaan waxa ay qabanayaan, waxay ku heshiiyee oo kaliya in 24-ka xildhibaan ee lasoo eedeeyey inay maareeyaan oo aan meesha laga saarin, dadkii doortey ee ka sugayey iney abaarta gurmad u sameeyaan, kala qeybqaataan dhibaatooyinka dagaalka waa ay gabeen dadkaasi” ayuu hadalkiisa ku darey Faroole.

Ugu dambeyn Senator C/raxmaan Faroole ayaa ku baaqey in laga qeybqaato u gurmashada shacabka Soomaaliyeed ee abaarta ku hayso gobollada dalka, bedalkii lagu mashquuli lahaa arrimo aan waxtar u lahayn shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog News