U bood dhigaalka

Farqiga u Dhaxeeya Qorayaasha Da’da Yar Iyo Kuwa Waayo Joogga Ah

Sheeko:Dalka

Inaad qorto Buug Ama maqaal dadka raali galiya waxa ay u baahan tahay dadaal dheeraad ah oo Sanadahan dambe waxaa soo kordhay dhallinyaro dhiiranaan Buug qoris la imaanaysa.

Inta la xasuusto Taariikhda Soomaalida waxaa barbar taagnaa buug qoris iyo Xusuus uruurin lagu keydiyo qaab qoraal ah.

Baraarugga Buug qorista ee dhlalinyaradu waxaa la sheegaa in uu kobcay wixii ka dambeeyey bishii Siddeedaad ee laba kun shan iyo Toban oo bandhig Buugeedkii ugu horeeyey Muqdisho lagu qabtay tira dhallinyara ahna ay ka qeyb galeen.

Dalka kama jirto Madbacad qaran oo Saacidaysa dhallinyarada Sanadahan dambe qoraalka ku dhiiranaya, Sidoo kale waxaa kaalinteedu ay maqan tahay dowladda Si guud maadaama aysan jirin Cid kontorooleysa Qoraha Buugga oo xitaa waxaa laga yaabaa in hab qoraalkiisu uusan ahayn mid uu maskaxdiisa ka dhalaaliyey.

Cali Macalin Yuusuf Cali waa Qoraha Buug dhawaan lagu Soo bandhigay Muqdisho Waxaa lagu magacaabaa Gayaan iyo Gacal Kaab Bandhigiisii ka hor waxaa Soo wajahay caqabado dhowra.

Waxaan qoraayey mudo Hal sanad ah Buugga gadaal ayaan ka faafaahin doonaa balse caqabadaha ugu waaweynaa ee isoo wajaha waxaa ka mid ahaa in la qaatay Cinwaanadii aan Buugan u dooray Anigoo la wadaagay saaxiibada Facebook, si ay uga tala bixiyaan balse ugu dambeyn waxa uu ku soo baxay Buugaygu magacan ah Gayaan iyo Gacal Kaab halkaas waxa aad ka dheehan kartaa in dalkeena aysan ka jirin sharci ilaalinaya xuquuqda qofka iyo Qoraalkiisa’’

In lagu dhiiri galiyo waxa ay qeyb ka tahay gaarida halka aad hiigsanayso Balse Cali Macalin Yuusuf Cali ma helin guubaabin qoraalkiisa la xiriirta.

Caqabadaha kale ee Buugan iga Soo wajahay waxaa ka mid ahaa dhalinyarada iyo dadyoowga Soomaalida oo qaba inaan wax la qori Karin oo aniga ayeyba niyad jab ay igu rideen, waxa ayku leeyihiin maxaad qoraalkan isugu daalinaysaa iyo Ereya kale oo aan qoraaga iyo niyadiisaba u rooneyn’’

Intaas oo idil iyadoo ay la gudboon tahay dhalinyarada Buugaagta qorta hadana sidii la rabay looguma dhiirado in iibsado guugaagtooda.

Mid ka mida dadka jooga Goobaha Buugaagta lagu iibiyo ayaan weydiiyey Sababaha loogu dhiiran waayey in la iibsado Buugaagta dhalinyaradu ay qoraan.

“Walaal Buugaagta la iibsado waxaa u badan kuwa Taariikhda ka hadlaya dhalinyarada hada wax qortaahina ma isku dayaan iney taariikhda wax ka qoraan waxaana inta la iibsadaa Buugaagta ay qoraan dad yoowga magaca Bulshada ku dhex leh.

Tusaale waxaa la iibsadaa Buugaagta Maax uu qoray waxa kale oo la iibsadaa Buuga orom, u hiilli Ubadkaaga oo kale iyo wixii la Mida’’

Iibsiga buugaagtu waxa Ay u badan yihiin kuwa Taariikhda ka hadlaya Cabdulqaadir Nuur Xuseen Maax ayaa qaba in hadii dhalinyaradu ay buugaagtooda u dooraan Cinwaan Wanaagsan lagu dhiiranayo iibsigooda.

‘’Baahida bulshada ee dhanka buugaagta in la baaro waa arrin wanaagsan Su’aasha Goobjoog na waa ay fiican tahay in laga jawaabo, aan u daadago jawaabta Buugga waxaa lagu iibsadaa Saddex wax yaabood oo ay ka mid tahay 1,Buugga Kafarkiisu in uu qurux badan yahay iyo Ciwaankiisa waa lagu iibsadaa 2, waxay kaloo Buugga Dadweynuhu ay ku iibsadaan dulucda uu Xambaarsan yahay iyo Qodobka Saddexaad oo ah in qoraagu Buuggu uu magiicsu yahay mid bulshadu ay wada garanayaan marka waxaan ku talinayaa in qoraalka la xaqiijiyo.’’

Da’ahaan dhallinyarada Buugaagta qorta aad ayey u yar yihiin sharciga ama qaanuunka wax qoristu ma ogol yahay qof aan waaya aragnimo la hayn inuu qoro Buug matala Bulshada Waa kan mar kale Cabdulqaadir Nuur Xuseen Maax oo ah guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed.

“Qofku markuu wax qorayo waa Macallinka oo kale waana uu ka sii Saameyn badan yahay maxaa yeelay macallinku dad ku jira Hal qol ayuuba wax u sheegayaa balse Qoraagu waxa uu wax u sheegayaa Bulsha dhan marka waxaa la rabaa in qofku markuu wax qorayo uu gaaro ugu yaraan Soddon Sanadood taasina waxa ay suura galinaysaa in qoraagu uu helo magac iyo Da’isla Socota  Balse waxaan hubaa iney dhallinyaradu ay dadaalayaan oo ay dhabar adeyg muujinyaan xilligan la joogo’’

Waa hubaal in haddii la helo goob lagu Tifaftiro Wax soo-saarka qoraaleed ee dhallinyarada ay soo baxayaan Buugaag lagu kalsoonaan karo waa marka la eego macluumaadka ay gudbinayaan.

W/D: Cali Aadan Muumin

Tifaftirey: Bashiir Maxamuud Wehliye

Daabacay: Maxamed Abukar Kulmiye

Goobjoog News