U bood dhigaalka

Farsamada xirashada Ilka Oo Ku Soo Badanaya Soomaaliya

Sheeko:Caafimaadka

Farsamada xirashada Ilka ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, dad badan ayaa macaamiil u ah Dhakhaatiir iyo Isbitaallo arrinkaas ku taqasusey.

Xirashada Ilkaha  waxay ka midyihiin adeegyada casriga ah oo waayihii dambe ku soo gordhayay waddanka, dadka doonaya farsamadaan waxay doorbidi jireen inay aadaan waddanka dibaddiisa maadaama aan laga heli jirin adeeggaan waddanka ,

Waxaa jira cuddurro laga qaado Ilkaha oo kala dheeraada waxayn sababaan inay dhaawac gaarsiiyaan Ciridka qofka ,waxaana ka imaan karo inuu ciridka qofka uu is badalo dhiigna uu keeno.

Waxaa jira bulsho faro badan oo ka faaideystay adeeggaan  haddana waxaa jira maacaamiil si gooni ah ugu tixan adeeggaan waxayna ubadanyihiin dhanka dumarka oo iyago boqolkiiba 60% isticmaalo .

Xafso waxay ka mid tahy gabdhaha isticmaalo adeegga qurxinta Ilkaha waxay Goobjoog News uga warrantay  adeeggaan, waxayna sheegtay inay iyada ay tahay dadka dhawaan ku soo biiray isticmaalka qurxinta Ilkaha “Waxaa igu dhaliyay inaan xirto adeegga qurxinta Ilkaha ,ma aysan sinayn Ilkaheyga waana waxa igu dhaliyay inaan xirto si ay iigu sinaan Ilkahayga una soo laabtaan quraxdooda “.

Ilkaha ayaa waxay kaalin mug leh ka ciyaaraan quruxda qofka waxaana jira dad badan oo doonaya bilicda iyo qurxinta Ilkaha , taasi waxay keentay inay magaalada Mugadishu ay ku soo bataan xarumaha qurxinta Ilkaha ,waxaadna ku arkaysaa bulsho aad utiro badan oo iyaga doonaya in loo qurxiyo Ilkaha.

Goobjoog News