U bood dhigaalka

Farxaan Duqow Oo Sanadkii 2-aad Gool Qurux Badan Ka Dhaliyay Uganda

Sheeko:Cayaaraha

Laacibka kooxda kubbadda cagta Horseed Farxaan Maxamed Axmed (Farxaan Duqow) ayaa sanadkii 2-aad oo xariir ah good ka dhalinaya xulka qaranka Uganda,iyadoo arinta ay soo dhaweeyeen maamulka,macallimiinta,ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxdiisa Horseed.

25-April 2018-Xulka dalkeena Soomaaliya oo 1-0 kaga adkaaday dhigiisa Uganda ayuu Farxaan ahaa dhaliyaha goolkaas,iyadoo ciyaartaa aheyd tartanka dhallinyarada 17-jirada bariga iyo bartamaha Africa ee 2018 ka dhacay wadanka Burundi.

“Sharaf ayay u tahay naadiga Horseed goolka uu laacib Farxaan u dhaliyay xulka dalkiisa waxayna ka tarjumaysaa horomarka kooxdeena,dhamaan maamulka iyo ciyaartooyda waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan xidigaha qeybta ka ah safarka xulka” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyaha kooxda ciidanka xoogga dalka  DR.Maxamed Axmed Maxamed.

Farxaan Maxamed Axmed waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii kasoo baxay tartanka kubbadda cagta degmooyinka 2014,isagoo kaalin wanaagsan ka qaatay kooxdii degmada Hodan sanadihii xigay waxa uu ka tirsanaa naadiga otabaarka ee Gaadiidka,isagoo goolal badan ka dhaliyay tartamada kubbadda cagta gudaha.

“Allah ayaa mahad iska leh waxa uu qorshayga ahaa in aan dhaliyo goolal badan,balse waxaan u mahad celinaynaa dhamaan taageerayaashayda iyo maamulka kooxdayda ee ii soo diray fariimo kala duwan ee ku aadan bogaadin iyo dhiir-gelin anigana ana waxaan lee yahay Mahadsanidiin 100%” Farxaan Maxamed Axmed ayaa sidaa ugu waramay Goobjoog Sports.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle