U bood dhigaalka

Fashil Ku Yimid Jadwalkii Cusbaa Ee Guddiga Doorashada Lagu Muransanyahay

Sheeko:Amniga

Waxaa fashilmay jadwalka doorashada ee 23-kii bishan ay soo saareen guddiga lagu muransanaa ee doorashada ee heer federaal kuwaas uu xafiiskoodu yahay caasimadda Muqdisho.

Kooxdan oo soo saartay jadwalkan cusub kadib markii uu gebi ahaanba horay u burburay midkii ay September ku heshiiyeen madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ku adkeystay in maanta oo ah 26-ka December mid u asteysan diiwaaneinta tartamayaasha doorashada aqalka sare.

Ilo ka tirsan guddiga doorashada heer dowlad goboleed oo qaabilsan aqal sare ayaa u sheegay Goobjoog News in aaney ka warqabin jadwalkaas isla markaaa ay iska joogaan Xamar.

Xiriir aan la sameynay guddiga lagu muransanyahay ee heer federaal, oo ahaa kuwii soo saaray jadwal-ka ayaa dhankooda ka gaabsadeen iney nala hadlaan.

Fashilka jadwalkan cusub waxaa uu farriin u dirayaa in maamul goboleedyada iyo kooxdan aaney isla socon, halka kuwa dambe ay qorteen in dalka uu aqalka sare yeesho kahor 10 maalin gudahood.

Jadwalka waxaa u ku qornaa: