U bood dhigaalka

Fasixii Baarlamaanka ee Kalfadhigan oo La Laalay

Sheeko:Dalka

Sanad kasta baarlamaanka Soomaaliya waxa uu qaataa 4 bilood oo fasax ah, kaasi oo look ala qeybiyo labada kalfadhi ee sanadka la qabto.

Kalfadhigan lixaad fasaxa waxa ay ahayd in uu biloowdo 27-da bishan, hase yeeshee guddoonka baarlamaanka iyo guddiga joogtada ah waxa ay go’aansadeen in fasaxa la laalo si shaqooyin muhiim ah oo u yaala baarlamaanka loo qabto.

Baarlamaanka oo waqtigiisa ka dhimanyahay hal sano oo kaliya ayaa waxaa horyaala shaqooyin aad muhiim u ah, kuwaasi oo laga cabsi qabo in aanan lagu dhameyn karin waqtiga haray.

Tiiyoo ay sii dheertahay mooshin laga keeney madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Goobjoog News