U bood dhigaalka

Faysal Cali Waraabe “Dadkeennii Oo Baahan Ayuu Xisbiga Kulmiye Lacagtii Ku Qarash Gareynayaa Olole”

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xibiga Kulmiye ee iminka haya talada maamulkaasi uu qarashkii dowladda ku dhameynayo olole ay ka wadaan deegaannada Somaliland xilli abaarro ay ka jiraan deegaannada Ololaha ay ka sameynayaan.

Waxa uu sheegay in looga baahan yahay xisbigaasi iyo xukuumadduba in aysan ku ciyaarin lacag wax badan u qaban lahayd dadka abaartu hayso, ayna joojiyaan gaadiidka tirada badan iyo damaashaadka qarashka lagu bixinayo.

“Waxaan leeyahay hala joojiyo qarashka ku baxaya Ololaha ay dowladda wado, dadkeennii oo baahan ayuu Xibiga Kulmiye lacagtii ku qarash gareynayaa olole, waxaan leeyahay war dadkiina u naxa oo lacagtaas aad ku ciyaareysaan iyagaa u baahan ee raashiin iyo wax ugu bedala, bedalkii aad gaadiid ugu tagi lahaydeen idinka oo tamashleynaya” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Deegaannada maamulka Somaliland waxaa ka jirta abaar saameyn ballaaran ku yeelatay dadka iyo duunyada, mana jirto weli gurmad rasmi ah oo dadkaasi ay heleen.

Goobjoog News